Muqdisho
Halkaan ka akhri
 Warar naga soo gaaray ayaa sheegaya in koox aan la garanayn oo bistoolado ku hubaysan irida Masjid Al-Taqwa ku hor toogteen Imaankii iyo Khadiibkii Masaajidka Sh. Maxamed Sh. Axmed Sh. Maxamed Xalay ayaa lagu dilay albaabka masjidka Al-Taqwa ee ku yaal xaafada Buula xuubay ee magaalada muqdisha oo uu kitaabo ka aqrin jiray. Â
Xiliga la dilay Sheekha ka horne waxa uu akhriyay kitaab uu salaada maqrib ka dib akhrin jiray isaga oo waliba akhriyay “Kitaab Al- Janaa’is” waa sida ay noo xaqiijiyeen dad aanu khada telefoonka kula xiriirnay.
Sheikhu markii uu kitaabka dhameeyaysalaada cishena tukiyay dadka, isaga oo albaabka masaajidka kabaha ku xiranaya rag bistooladu ku hubaysani madaxa ka toogteen.
Sheekh Maxamed Kashka, wuxuu ka mid ahaa Culummada Soomaaliyeed, wuxuu ahaa nin fahma badan oo karti badan oo codkar ah dacwadana ujajaban, dhalinyaro aad tiro badan wax soo baraySheekhu waxa uu ka soo jeeday Qoys lagu yaqaan Fidinta diinta islaamka iyo ka shaqaynta Dacwada, isaga oo ka soo jeeda Mashaa’ikhdii ugu waawayneed ee Dariiqada Axmadiyada looga danbeeyay Degaanada Marka iyo Nawaaxigeeda, isaga oo markii danbe ka mid noqday Ducaada waawayn ee Xarakada Islaax.
Sheikhu waxa uu wax ka soo bartay Culummo ay ka mid yihiin: Sheekh Maxamed Macallin Xasan, Sheekh Maxamed Guud, Sheekh C/lle Minjaah iyo Dr. Ibraahim Disuuqi.
Waxaa Maanta lagu Aasay sheekha Qabuuraha Muqdisho, ilaa hadan lama oga cida ka danbaysay Falkan foosha xun, inaa lilaahi wa inaa,ilayhi raajicuun, walaa xawla walaa quwata illaa billaah.
Ilaahay ha u naxariisto walakeen Sheikh Mohamed Sheikh Ahmaday Jandii Fardaysa all ha kawaraabiyo dadkii,ehelkii, saaxiibadii iyo qaraabadii iyo walaalhii uu katagayna sabir iyo iimaan alla ha kasiiyo.
SomaliSwissMuqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.