Guddoomiyaha Golaha Hawiye oo shaaciyay in Ciidamada dawladda ay ka bexeen wadada Wadnaha, kadib markii ay naftooda u baqeen.

xaad2.jpg

Max’ed X. Xaad

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Hawiye Mudane Max’ed Xasan Xaad ayaa maanta daboolka ka qaaday in ka bixitaanka ciidamada dawladda ee wadada wadnaha uu ka danbeeyay baqdin xagga amaankooda ah kadib marki Itoobiyaankii ka baxeen wadada 30-ka. 

Mudane Xaad oo Warbaahinta Muqdisha qaarkood warbixin hadal ah siiyay ayaa sheegay in ciidamadu dowladda ay isaga baxeen wadada wadnaha, hase ahaatee wuxuu carabka ku dhuftay in aan la dhihi karin ciidamadaasi in ay kaga baxeen halkaasi turid ay shacabka u turayaan, balse ay naftooda u baqeen. 

Guddoomiyuhu Waxaa uu taasi sabab kaga dhigay jabki ciidamada dawladda ee suuqa Bakaaraha oo habeen dhaweyd ay isaga soo baxeen iyo sidoo kale ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee wadada 30-ka oo ay weheshan jireen kuwii Bakaaraha go’doomiyay. 

Si kastaba aha ahaatee ka bixitaanka Ciidamadas ay ka baxeen wadada wadnaha  ayaa waxay farxad weyn u noqotay shacab fara badan oo maanta isku soo baxay suuqa Bakaaraha.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: