Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ee degmada Dhoobley oo ay Hay’adda Amnesty International si weyn u canbaareysay.

amnesty1.png

Halkaan ka akhri

 War ka soo baxay Hay’adda Amnesty International ayaa wuxuu si weyn u canbaareysay duqeyntii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay u gaysteen degmada Dhoobley ee xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen. 

Hase ahaatee Warkaas oo ay hey’adda ku micnaysay in duqeynta Mareykanka ay muujineyso sida wali gobolka geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya aan nabad loogu soo dabaali karin, waayo ayey tiri hay’addu waxaa wali halkaas ka jira fara galino Caalami ah oo kaga imaanaya dhanka Caalamka. 

Balse Amnesty International waxay ku tilmamtay duqeynta Dhoobley mid naxariis darro ah isla markaana ay ku baaba’een dad rayid ah iyo xoolihii la dhaqanayay laakin Mareykanku uu ku tilmaamay ”Argagixiso”. 

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda gaashaan dhigga dalka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa qiratay duqeyntaasi oo ay ku sheegtay in lagu baacsanayay Saalax Cali Nabhan oo Mareykanku u heysto qaraxii ka dhacay Safaaradda uu ku leeyahay Nairobi.

SomaliSwiss  Xigasho Bogga Amnesty

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: