Mudaaharaad
Halkaan ka akhri
Banaanbax aad u balaaran oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kadib markii ay ka bexeen Ciidamadii ku sugnaa wadada Aadan Cadde iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Bananbaxyadan ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Wardhiigleey, iyo gooba kale oo ka tirsan Deegaanada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dadkan Banaanbaxayay oo aad u badanaa ayaa waxaa ay ka kale yimaadeen Deegaanada ku teetsan xaafadahaasi, iyagoo ku dhawaaqaaye erayo ka dhan ah Ciidamada Dowlada KMG ee u adeega gumeysiga Ethiopia oo Maanta gabi Ahaamba isga baxay Wadooyinka soo gala Suuqa Weyne Ee Bakaaraha.
Dadweynahan ayaa waxey raxan raxan u sicdeen Wadooyinka waaweyne ee Magaalada Muqdisho iyagoona ku faraxsanaa ka bixtaanka ay ka baxeen Ciidamada Dowlada KMG ee lashaqeeya gumeysiga Ethiopia.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.