Shirkii Jaaliyadaha
Halkaan ka akhri
 Sawirada oo badan hoos kadaawo
Shir ay isugu yimaadeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed oo ka dhacay maanta oo ay taariikhda aheyd 08. March 2008 Shirkaasoo la isugu yimid magaala madaxda wadankan Switzerland ee Bern.Â
Ugu horeyntii waxaa shirkaasi furay oo ka halkaasi ka hadlay gudiga Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kanton Bern, kadibna waxaa ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyada Bern Gud. Aadan Ibraahim, iyadoo kadibna ay hadalka qaateen gudiyadii Jaaliyadaha Kantonada kale ee Switzerlanad. Kantoonada kasoo qeyb galay Shirkan ayaa waxaa kamid ahaa:-Â
Kanton Bern
Kanton Solothurn
Kanton Aarau
Kanton Zürich
Kanton Neuchétel
Kanton Geneva
Kanton Waadt / Lausanne
Kanton St. Gallen
Kanton Sion
Kanton Luzern
Kanton SchweizÂ
Jaaliyadahaasoo mid mid uga hadlay waxa ay ka qabaan in mudaaharaad kale la sameeyo iyadoo loo adhan yahay, inkastoo ay fikrado badan jireen oo ku aadan xilliga laqabanayo ayaa waxaa la`sku raacay in la sameeyo mudaaharaad aad u weyn laakiin la qaban qaabiyo sidii loo war gelin lahaa Jaaliyadaha aan imaan Shirka.Â
Intaa kadib waxaa hadalka qaatay qaban-qaabiyihii ololaha sharci u raadinta Soomaalida ku dhaqan wadankan Switzerland M. C/llaahi Qalimoow isagoo ka hadlay wixii ay kala soo kulmeen howlihii ay horay ugu jireen iyo wixii ay kala soo kulmeen xafiisyadii Migration-ka iyo Kommunada.Â
Waxaa xusid mudan in si weyn loogu amaanay dhalinyarada cusub laguna dhiiri geliyay inay horey u socdaan oo ay u doodaan xuquuqdooda iyo tan Shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Switzerland.Â
Intaa kadib gabagabadii Shirka waxaa la’isku afgartay in laqabaan qaabiyo Banaabax aad uweyn oo dhamaan Jaaliyadaha wadanka Switzerland ay u dhan yihiin, waxaana sida la’isku afgartay loo balan sanyahay 03. April 2008 in lasameeyo Banaanbax aad uweyn oo dhamaan Soomaalida Swiss-ka ay kasoo qeyb galaan.Â
Waxaana si naxariis leh looga codsanayaa Soomaalida ku dhaqan wadankan Switzerland in ay maalintaas Bannaanbaxa lagu qabanayo magaaladda Bern si wanaagsan uga soo qeyb galaan.Â
Wixii faahfaahin intaa dheeri ahna waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe hadduu Eebe idmo.Â
SomaliSwiss BernÂ
Wariye GarabeyÂ
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.