Suuqa Bakaaraha
Halkaan ka akhri
Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay uu dagaal qaraar uu dhexmaray Ciidamada Muqaawamada iyo Kuwa dowlad isku sheegga ee gumeysiga la shaqeysa, warkan ayaa lagu xaqiijiyey in Mujaahidiinta ay dagaalka ku gacan sarreeyeen.
Hase ahaatee Ciidamada dawlada ayaa goor dhaweyd isaga baxeen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasi oo wali dagaal xoogan hareerihiisa ay ka socdaan ilaa haatan.
Wararku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamadii dawladda ay dib ugu laabteen dhufeysyadoodii Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde ay halkaas rasaas cul culus ay kaga soo tuurayaan gudaha Suuqa.
Xoogaga Muqaawamada ee ka saaray Suuqa Bakaaraha ayaa dhankooda lagu arkayaa iyagoo daba socda Ciidamada ka baxay Bakaaraha, balse haatan dagaalku uma xoogana sidii saaka uu ku bilowday.
Si kasta ha ahaatee lama sheegi karayo hadii ka bixitaanka Ciidamada dawladda ee Bakaaraha uu yahay mid go’aan ah iyo hadii ay kusoo laaban doonaan,laakin waxaa la sheegayaa in mar haddii Itoobiyaanku ka baxeen wadada 30-ka aysan kuwa kale sii joogi kareyn gudaha Bakaaraha.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.