Barack Obama oo guul kale ka soo Hoyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada wadanka Maraykanka.

 obama1.jpg

Musharaxa Obama

Halkaan ka akhri

Doorashii isreeb reebka ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanka ee Sabtida, Bisha Maarso 8, 2008 ka dhacday Gobolka Wyoming ee xisbiga dimoqraadiga waxaa guushii raacday Barack Obama oo ay tartan kula jirto Hillary Clinton.

Tirinta codbixintii ka soo baxay doorashadii Sabtidii ka dhacaday Gobolka Wyoming ayaa waxaa wararkii ugu horreeyey tibaaxay in uu Obama helay boqolkiiba 59%, halka ay Clinton ka heshay 40%.

Hase ahaatee Tvga CNN waxa uu tiradaas ka dhigay in Obama helay 61%, halka Clinton ay heshay 38%.] Sidaas awgeed waxa uu Obama gobolkaas ka helayaa 7 wafti, halka Clinton ka heshay 4.

Tartankii ilaa hadda la soo maray waxaa ku horeeya Obama oo haysta ilaa  1,578 wafti, halka Clinton ka haysato 1,468, sida ay sheegtay hay’adda wararka ee AP. Waxaana loo tartamayaa musharaxii hela 2,025 wafti in uu noqonayo musharaxa u taagan xisbiga Dimoqraadiga ee ka qayb geli doono doorshada guud ee November 2008.

Tartanka xiga waa maalinta Talaadada Maarso 11, waana  gobolka Mississippi.

Balse waxa harsan Gobolka tartanka xoogga leh ee ka dhici doona waa Pennsylvania, April 22 , waxaana loo tartamayaa 158 wafti ah.

 SomaliSwiss Taxes

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: