Abuu Mansuur
Halkaan ka akhri
Afhayeenka Ururka Hubeysan ee Al-Shabaab Al Mujaahidiin Sheikh Mukhtaar Roobow ayaa shaaca ka qaaday in 8 kamid ah Ciidamadii dawladda ee shalay soo gaaray degmada Xudur ay isku soo dhiibyeen iyaga iyo hubkooda.Â
Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa warbaahinta u sheegay in 8-da askari ay lacago ka siiyeen hubkii ay wateen isla markaana aysan wax dhibaato ah u geysan si wanaagsana ula dhaqmeen.Â
Afhayeenku wuxuu intaasi raaciyay in ciidamadaasi ay doonayeen in ay faraha kala baxaan howshii ay ku jireen isla markana ay eheladooda aadaan sidasi daraaded ay siiyeen lacago ay ku aadi karaan eheladooda ku sugan meelo kala duwan oo kamid ah dalka.Â
Balse Abu Mansuur waxaa uu ugu baaqay Ciidamada dawladda Soomaaliya haddii ay doonayaan sidaas oo kale in ay Al Shabaab soo dhaweynayaan isla markaana hubkooda laga iibinayo iyadoona aan lagu qasbeyn xitaa in ay kula biiraan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.
SomaliSwiss Xuddur
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.