Warsaxaafadeed ay soo sareen Maanta Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye oo lagu cambaareeyay Xaalada cakiran ee Suuqa Bakaaraha.

Bakaaraha

Golaha Dh.B.H

Halkaan ka akhri

Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa uga baaqeya dowlada Soomaaliya in Ciidamadeeda ay kala baxdo suuqa Bakaaraha.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in golaha dhaqanka Hawiye uu si cad u sheeday in soo gelitaanka Ciidamada dowladda ay saameeyn weeyn ay ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadka iyo weliba hab sami u socodka Ganacsiga waxaana ay sidoo kale saameeyn weeyn ku yeelatay beey yiraahdeen dhamaan bulshada Gobolka Banaadir. 

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa waxaa loogu baaqay in beesha caalmka ay il gaar ah ku eegto dhibaatada ka taagan wadanka soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo odayaashu ay ku tilmaameen in ay mareeyso halkii ugu xumaa.

Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo warbaahinta  magaalada Muqdisho la hadlayey ayaa waxaa uu sheegay in dhibaato weeyn ay ka taagan tahay Suuqa Bakaaraha isla markaana uu yahay meel ay taalo hantidii shacabka Soomaaliyeed.

Balse Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay ka war heeln in ciidamada dowlada somaaliya, gaar ahaa kuwa ku sugan gudaha suuqa Bakaarah in looga sameeynayo suuqaasi Saldhigyo taasi oo saameeyn ku yeelanayeeysa dhamaan hoowlihii ganacsi ee suuqaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: