Madaxweyne Isayas Afewerki oo sheegay in Caalamka indhaha ka qabsaday Duqeeynta Mareeynkana uu ku hayo qaybo ka mid dhulka Soomaaliya.

afewerki1.jpg

Madax. Eritrea

Halkaan ka akhri

TV-ga AlJazeera ayaa laga daawanayey Xalay Madaxweeynaha Dalka Eritrea oo si weyn u dhaleeceeyay Weererkii diyaaradaha Dagaalka dalka Mareeykanka ay ka geeysteen Dalka Somalia Todobaadkii Tagay.

Madaxweeynaha Eritrea oo u waramayay TV-ga afka carabiga Ku Hadla ee AlJazeera ayaa ku sheegay weerarkii uu Mareeykana ku qaaday magaalada Dhoobleey in uu ahaa mid aan qorsheeysneeyn isla markaana lagu waxyeeleynayay dad Rayid ah oo kaliya, waxaana uu ahaa mid Fuleynimo ah ayuu yiri.

Madaxweeynaha Dalka Eritrea Isayas Afewerki ayaa wuxuu intaa ku daray “Waxaan Jeclaan lahaa in la ogaado Qasaaaraha ay Shacabka Somalied ee Masaakiinta ah ay u geeysanayaan Ciidmada Cirka ee Mareykanka iyo Qasaaraha ay sidoo kale geeysanayaan Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Dalka Somalia”.

Madaxweeynaha Dalka Eritrea ayaa waxaa uu intaa raaciyay in weerarkaasi uu ka turjumayo in Ciidaamada Ethiopia la doonayo in loo weeciyo dhanka magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.

Wuxuu kaloo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in goobta uu mareeykanka duqeeyay ee Dhooleey ay aheeyd meel ayan ku sugneeyn wax uu ugu yeeray mareeykanka xubno Alqaacida ah isla markaan uu iska duqeeyay si uu u laayo shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri Madxweeynaha Dalka Eritrea.

Madaxweyne Isayas Afewerki ayaa Waxaa uu dhaliil xoogan u jeediyay Wadamada Caalamka taasi oo ku Aadaneeyd in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada Arimaha Murugsan ee dalka Somalia ka taagan.

Si kasta ha ahaatee hadalka Madaxweynaha Dalka Eritrea Isayas Afewerki ayaa waxaa uu ku soo aaday xili dhamaan madaxda DKMG Somalia ayan wax hadla ah ka soo saarin Duqeeynta uu mareeykana ka geeystay Magaalada Dhoobleey oo dad rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen, shacabka Soomaaliyeed oo ku dhaqan Magaaladaasi ay qaarkood ka baraKeceen duqeyntaas awgeed.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: