Dowlada Holond oo sheegtay in Markab dagaal u soo direyso xeebaha dalka Soomaaliya.

markab dagaal

Markab dagaal

Halkaan ka akhri

 Al-Rasuul SCW

Dowlada Holond ayaa waxa ay sheegtay in ay Markab dagaal usoo direyso xeebaha dalka Soomaaliya, Markabkaas dagaal oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeedka Soomaaliya ee Maraakiibta ku afduubta xeebaha dalka Soomaaliya.

Madaxda sare ee dowladda Holond oo shalay kulan yeeshay ayaa waxa ay isku raaceen in ay xeebaha Soomaaliya u dirtaan Markab dagaal oo ilaaliya kooxaha burcad badeedka Soomaalida ee gar gaarka gaarsiinaya wadanka Soomaaliya iyo maraakiibta ganacsi ee taga wadanka Somaliya.

Markabkaan ayaa lagu wadaa inuu gaaro xeebaha Soomaaliya daba yaaqada bishaan aan ku jirno, waxaana uu noqon doonaa mid ka howl-gala dhammaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Sanadooyinkii dambe xeebaha dalka Soomaaliya waxaa aad ugu soo batay burcad badeedka ka qooleysta ama Afduubta Maraakiibta u kireysan ganacsatada Soomaalida iyo kuwa gargaarka bani’aadanimo geeya dalka Soomaaliya ee u kireysan hay’adaha gargaarka haalamiga ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Al-Rasuul SCW

%d bloggers like this: