Moshinka Nur Cade
Halkaan ka akhri
Â
March 6, 2008: Ra’iisul wasaaraha DKMG, col. Nuur Cadde ayaa wax laga weydiiyey waxa ay (DKMG) kala socdeen weerarkii (March 3, 2008) ee diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay ku qaadeen magaalada Dhoobley, waxa uu ku jawaabey “Arrintaas iyada ah wixii laga dhehi lahaa waa laga yiri, waana laga yimid waqtigeedii“.. Weriyaha idaacadda Codka Maraykanka, Cabdisalaan, ayaa markaas weydiiyey su’aal ahayd, “laakiin dadka faraha badan ee mudaharaadka ka dhigay magaalada Dhoobley ee weerarkaas ka soo horjeedey iyo kuwa leh bakaaraha ayaa dhibaato naga soo gaartey, haddaad dawladdii tihiin maxaad idinku ku oraneysaan.” Col. Nuur Cadde waxa uu ku jawaabey “Waxaan filayaa Maraykanka iyagu in ay ka hadleen wixii halkaas ka dhacay, annagana haddee wixii… haddii… dad dembiilayaal ah baadigoob-koodii difaacooda kolley horaa looga hadlay….” [HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA].
Xildhibaan Madoobe Nuunow oo xukuumadii cali geedi ka ahaa wasiir ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey suurto gal ma tahay inay tahay in aad raysal wasaraha ku haysataan inuu wasiiradii hore oo aan iminka xil helin ay ka xun yihiin waayo xiligii aad wasiirka ahaydba aad ayaad ugu doodi jirtay xukuumadii cali geedi raysal wasaraha ka ahaa waxuuna la soo xigtey in uu ku jawaabay waa macquul taasi waayo qof kasta waa loo baahan yahay inuu xilkiisa ilaashado.
Mooshinkan lagu waramayo in ay soo bandhigeen xildhibaano gaaraya 25-xildhibaan ayaa kusoo beegmaya xili uu raysal wasaare Nuur xasan xuseen (Nuur cadde) uu Guda jiro dadaalo nabadeed oo ku doonayo inuu is Hor keeno xukuumadiisa iyo Kooxaha mucaaridka ah waloow ay jiraan caqabado Hor taagan.
- Arrimaha lagu dhaliilayo Nuur Cadde waxaa sidoo kale ka warbixiyey Xildhibaan Qaalib Cumar Cali, waraysigaas (HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA)
Source SomaliTalk
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.