Cabdi X. Goobdoon ”C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa u fasaxay Mareykanka in ay duqeeyaan Degmada Dhoobley”.

Cabdi Xaaji Goobdoon

Afhayeenka Dowladda

Halkaan ka akhri

 Al-Rasuul SCW

Afhayeenka dawladda KMG Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dawladda KMG ah ay u fasaxeen ciidamada cirka Mareykanka in ay duqeeyaan deegaanka Dhoobley halkaasi oo ay ku sheegeen in ay joogaan xubno ka tirsan Al Qaacida.

Wareysigan ayaa Cabdi xaaji Goobdoon si gaar ah u siiyay wargeyska Asharqal Awsat ee kasoo baxa magaalada London, isagoo ugu waramay in Mareykanku uu soo wargaliyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo R/Wasaare Nuur Cadde kahor weerarka duqeynta ah isla markaana ay u fasaxeen markii loo faah faahiyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 “Waxaa Mareykanku uu soo gaarsiyay dawladda xilliga duqeynta iyo goobta kadib markii ay sharaxeena Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha fasax buuxa ayay u siiyeen in ay ku dhaqaaqaan”, sidaasi waxaa qiray Afhayeenka dawladda. 

Afhayeenka ayaa wuxuu intaasi raaciyay in Dawladda KMG ah ay diyaar u tahay dhinac waliba oo caalamka ah in ay iskaashi kala sameyso yareynta waxa ay ku sheegeen khatarada Argagixisada Somaliya joogta. 

Hadalka Afhayeenka ayaa u muuqda midkii uu ku hadlay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, balse mar shalay RW. Nuur Cade Idaacaduhu wareysteen kama uusan hadlin in ay iyaga fasaxeen iyo inkale, inkastoo RW. Nuur Cade markii laweydiiyay Su’aashaasi aheyd in ay kawar qabaan diyaaradaha duqeeyay dhoobley, isagoona ku jawaabay Arintaas waxaa kahadashay Dowladda Mareykanka mana rabo inaan kahadlo.

Sida aanu wada ogsoonahay xubnaha Dowladda KMG ah intooda badan ayaan iska warqabin hadalada ay ku hadlaan iyo waxa ay sheegayaamba, oo xitaa ciidankooda uusan kala amar qaadan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Al-Rasuul SCW

%d bloggers like this: