Dib ayaa loo helay Weris Diriye oo ah Modeliste ahna Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Haweenka.

weris-diriye.jpg

Waris Diriye

Halkaan ka akhri

Gabadha la yiraahdo Waris Dirie, ee asalkeedu yahay Soomaali, Caanna ku ah Xayeysiinta loo yaqaan (Modalist) kaasoo ah dharka ay xirtaan Haweenka weliba kuwa lacagta leh ee taajiriinta ah.

Weris oo joogtay Magaakada Bruxelles ee dalka Belgium-ka ayaa la sheegay in muddo Seddax maalmood ah la waayey raadkeeda meel  jaan iyo Cirib ay dhigtay, sidaas waxaa shaaca ka qaaday madaxa hay’adda Chanel ee ay Weris  leedahay, balse waxaa warkii uga dambeeyey ee Caawa la sheegay in la helay, hase ahaatee wax faafaahin lagama bixinin.

Weris ayaa waxay in mudda ah u ololeysa xaquuqda Haweenka, waxayna abaabushey sanadkii 1996-dii hay’ad u ololeysa ka hortagga halista gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha lagula kaco.

Sidoo kale Weris Diiriye waxay ku magacaawan tahay Danjiraha Qarammada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Haweenka, hase yeeshee waxay Bruxelles ku timid martiqaad rasmi ah oo ay ka heshay Golaha fulinta ee Midowga Yurub si ay uga qayb gasho Kulanka Caalamiga ah ee munaasabadda 8-da Maarso.

Weris Diriye ayaan la arkin tan iyo horraantii maalinimadii arbacadda xilligaasi oo booliska Bilgium-ka ay sheegeen in la arkay iyada oo sii raaceysa taxsi, ka dib markii uu dhacay muran ku saabsan qol hotel ay deganeed, sidaas waxaa maanta shaaciyay maamulaheeda Walter Lutschinger.

Ugu dambeyntii Weris Dirie, ayaa lagu wadaa in ay berri oo ah 8-da Maarso khudbado ka jeediso kulan  ka dhacayo Magaalada Brussels, kaasoo looga hadlayo xaquuqda Haweenka. 

Xigasho Swissinfo

Tarjume Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: