Dagaal kii ugu xooganaa oo ay xalay xoogagga Maxaakiimta ku qabsadeen magaalada Balad-Weyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada maxkamadaha

Balad-Weyne

Halkaan ka akhri

 Al-Rasuul SCW

 

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA OO COD AH BBC-SOMALI

Xalay abaaro 01:00 saqdii dhexe ee habeenimo ayay xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed waxa ay weeraro kala duwan ku qaadeen afar goobood oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Yuusuf Dabageed ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia.

Goobahaasi xalay sida xun loo weeraray ayaa kala ahaa XARUNTA MAAMULKA / XABSIGA DHEXE / SALDHIGGA BOOLISKA / HOTEEL GALBEED.

Xoogaggii Muqaawamada ee weerarka ku qaaday ayaa dagaal ba’an kadib usuura gashay in ay uga itaal roonaadaan meela badan baabuurna uga gubaan..

Weerarka dhinaca Saldhiga magaalada Balad-weyne ayaa waxaa la sheegay in saldhiga laga qabsaday, kadibna xoogagga ka qaateen saanad militeri oo isugu jirta hub fara badan, sidoo kale waxaa lasheegay in ay isla saldhiga ku gubeen 2 ka mid ah gawaarida dagaalka.

Sidoo kale weerarka lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Balad-weyne ayey xoogagii weeraray waxa ay xabsiga ka racdeeyeen ciidamadii ku sugnaa waxayna xabsiga ka sii daayeen maxaabiistii sida gardarada ah ugu xirayd.

Xarunta gobalka oo ah xarunta uu Yuusuf Dabageed fariisto ayaa sidoo kale ka mid ahayd goobihii xalay weerarka lagu qaaday waxaana halkaa ka dhacay dagaal aad u kulul kaasi oo ahaa midkii ugu kululaa marka loo fiiriyo goobihii kale ee la weeraray.

Hotel Galbeed oo ay fariisin ka dhigteen xubnaha ka tirsan maamulka Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale weerar xoogan lala beegsaday waxaana xiliga Hotelka la weeraray ku sugnaa xobno ka tirsan maamulka Yuusuf Dabageed mana cada ilaa iyo hadda khasaaraha gaaray xubnihii halkaa ku sugnaa.

Waxaa lasheegay dhimashada illaa 5 maleeshada Yusuf Dabageed iyo dhaawaca 5 Askari oo kale , waxaana loo badinayaa in uu khasaaruhu intaa ka badan yahay.

Xoogagii Muqaawamada ee xalay weerarka fuliyay ayaa waxaa u suura gashay in ay gabi ahaamba magaalada ay gacanta ku dhigaan.

Xoogagii Muqaawamada xalay waabarigii 4:00 subaxnimo isaga baxay magaalada iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiin takbbiir ” Allaahu Akbar” iyo hal ku dhegyo kale.

Weerarkii xalay ayaa waxaa sheegatay xoogagga Midowga Maxkamada Islaamiga ee Soomaaliyeed wuxuuna Sheekh Ibraahim Suuley oo ah af hayeenka Golaha uu sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii xalay lagu qaaday Baled-Weyne.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

Al-Rasuul SCW

%d bloggers like this: