Haweenka Muslimka
Halkaan ka akhri

Laba dacwadood oo in muddo dheer ah socotay oo la horkeenay Maxkamada Sare ee dalka Switzerland ee la xiriirta qaadashada Xijaabka haweenka Muslimka ay xirtaan ayaa waxaa shalay ay Maxkamadu gò’aamisay in qofka Muslimka ah lagu takoori karin dhaqan Diimeedkiisa, sidaas awgeed looma diidi karo inuu qaato Caadiyeenta dhalashada Swisska.
Arrinta ayaa waxay ka dhacay Kanton Argow, gaar ahaan degmada Buchs iyo Birr, ha yeeshee labadaan gabdhood oo u dhashadooda kala ah Turki iyo Basniya oo lagaga horistaagay xuquuqdii ay dalkan ku lahaayeen ee inay qaadan karaan dhalashada Swisska, kadib markii ay fuliyeen shuruudihii looga baahnaa.
Sidaas darteed Maxkamada waxay caddeysay in lagu xadgudbay labadaas haween xuquuqdii ay lahaayeen, kadibna u soo celisay xuquuqdooda dacwo dheer kadib, waayo Maxkamada waxay caddeysay in dastuurka Federaalka Swiss-ka uu ay ka soo horjeedo dhacdadan, hase ahaatee waxay Maxkamada u argtay in diidmadaas ay tahay eexasho Diin-takoor ah.
Dacwadan ayaa shalay xukunkeeda loogu dhawaaqay Maxkamada sare ee Federaalka ee degmada Losanna, balse maxkamaddu waxay caddeysay in labada haween ay si fiican u dhexgaleen bulshada Swiss-ka(Integration), warbixintoodana ay aad u wanaagsaneyd.
Qaaliga Maxkamada ayaa si cad u sheegay in Xijaabka uu ka mid yahay Caqiidada diinta Islaamka, sidaas darteed gabar kasta oo muslim ah waxay xaq u leedahay inay xerato Qamaarkeeda, taasi waa xuriyadda diimeed.
Dhinaca kale haweynayda u dhalatay Bosniya ayaa Ninkeedu ahaa Swiss, ayaa arrinteeda dib loo dhigay waayo, waxaa la soo sheegay inay ku hadleynin Af Jarmalka, maadaama ay deggan tahay Kantoon looga hadlaayo Jarmalka, hase ahaatee dhinaca qaadashada Xijaabka uu ahaa mid meesha ku jiray.
Si kasta ha ahaatee labada dacwo ayaa dib loo eegi doonaa haddii ay racfaan ka soo qaataan Masuuliyiinta Kanton-ka.
SomaliSwiss Zürich –
Xigasho Swissinfo –
Tarjume Dhicisow
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.