Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay wadada Soddonka oo ay dhowaan fariisin ka dhigteen ciidamada gumeysiga Ethiopia.

sodonka

Wadada Sodonka

Halkaan ka akhri

Al-Rasuul SCW

Dagaal aad u xoogan oo ciidamada gumeysiga lagu kala go´doomiyay ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Sodonka ee Magalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala dawn, kaasoo u dhexeeyay Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo bishaan bilwgeedii marlabaad fariisin ka sameystay wadada Sodonka iyo xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.

Dagaalkan ayaa lasheegay in ciidamada gumeysiga Ethiopia laga soo gala laba dhinac oo lagu kala gu’doomiyay, iyagoo argagax dartiis Bululeer kor u riday si ay u arkaan halka dagaalka looga soo qaaday maadaama ay mugdi aheyd.

Dagaalka ayaa lasheegay Daqiiqada kadib in la’isaga dhex maray oo iyaga dhexdooda halkaasi ku dagaalameen.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin kara qasaraha soo gaaray labada dhinac, maadaama ay rasaas iyo madaafiic socotay, xiliguna uu habeen ahaa, waxana jira madaafiic habaw ah uu ku dhacay degmada Howl-Wadaag oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Al-Rasuul SCW

%d bloggers like this: