Dagaal maanta ka dhacay magaalada Balad-weyne oo u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan gudoomiye-yaasha Yuusuf Dabageed & Cilmi Saney.

Baladweyn

Dagaal Balad-weyne

Halkaan ka akhri

Al-Rasuul SCW

Dagaal maanta ka dhacay magaalada Balad-weyne oo u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan gudoomiye-yaasha Yuusuf Dabageed & Cilmi Saney.

Dagaal socday wakhti kooban oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta ka dhacay Magaalada Balad-wayne ee gobolka Hiiraan kaasoo u dhaxeeyay guddoomiyeha gobolka Hiiraan Yusuf Dabageed iyo kan degmada Baladweyne ee isla gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa dhexmary Maleeshiyo kala taabacan Gudoomiyeha degmada Balad-wayne Cilmi Sanay Qaasin iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuf Hagar (Yusuf Dabageed).

Illaa iyo hadda lama soo xaqiijin dhibaatada ama qasaaraha uu geystay dagaalkaasi u dhaxeeyay labada maleeshiyo ee kala taabacsanaa Labada gudoomiye Gobol iyo Dagmo.

Xaalada Magaalada Balad-weyne ayaa ilaa maanta kacsanayd iyadoo dad badani isugu soo bexeen gudaha magaalada, kuwaas oo hadal hayay waxa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne.

Ilaa iminka macada sababta ay isku rasaaseeyeen labada maleeshiyo ee kala taabsan Maamulada, laakin waxaa jiray khilaaf dhawaanahan u dhaxeeyay iyadoo guddoomiyaha degmada Balad-wayne oo sheegaya in guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu sidii uu rabo ka yeelo gobolka Hiiraan isagoo adeegsanaya ciidamo Ethiopian ah islamarkaana maamulada dhan ee kajira Gobolka Hiiraan ay u yihiin maqaar saar sida uu hadalka u dhigay.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

Al-Rasuul SCW

%d bloggers like this: