C/llaahi Yuusuf oo taageero uga raadsaday Reer Galbeedka in ay Soomaaliya joogaan Argagixiso Caalami ah.

yusuf

C/llaahi Yusuf

Halkaan ka akhri

Al-Rasuul SCW

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA 

C/llahi Yuusuf, ayaa sheegay in uu ka sifeyn doono Somalia waxa uu ku tilmaamay argagaxisada Al-Qaacida.

C/llahi Yuusuf waxa uu sheegay in dagaalyahaniin Al-Qaacida ah oo uu soo tababaray Sheikh Osama Bin Laden, in ay qeyb muhiim ah ka ahaayeen kacdoonka isaga iyo xulafadiisa looga soo horjeedo ee ka dhanka ah.

C/llahi Yuusuf waxa uu maamulaa oo keliya qeyb ka mid ah waddanka Soomaaliya, weliba isagoo taageera ka helaya ciidamada gumeysiga Ethiopia oo ay taageerayaan dowladda Mareykanka.

Fariintan ayuu C/llaahi Yuusuf taageero uga raadsanayaa Reer Galbeedka, isagoo ku tilmaamaya in ay Soomaaliya joogaan waxa uu ugu yeeray Argagixiso, laakiin ilo madax banaan oo Somalia gudaheeda ah ayaa sheegaya in xaqiiqadu ay tahay mid intaas ka dheer looguna tala galay in Shacabka Soomaaliyeed lagu xasuuqo.

Khubaro Caalami ah ayaa sheegay inuu ka jiro dalka Somalia kacdoon Islaami ah oo si caalami ah ay u taageeraan Shacabka Soomaaliyeed, kan kudhaqan gudaha Soomaaliya iyo kan kudhaqan dibadaba.

Khubarada Caalamiga ah ayaa yiri, waxaa sidoo kale jira dagaal ku dhisan mid qabiil oo Soomaalida u dhexeeya, kaasi oo ah mid dhibaato badan oo Soomaalida gudahooda ka taagan, inta badana waxaa uu ku saleysan yahay sad bursi iyo in lagu dagaalamo kheyraadka waddankooda Soomaaliya.

Soomaaliya waxa uu dagaal ka taagnaa muddo ku dhaw 20 sanno, Saraakiisha hey’adaha QM. ayaa sheegaya in ilaa 2 Milyan oo qof oo ku sugan waddanka gudihiisa ay u baahan yihiin gargaar Bini’aadanimo.

Laakiin dagaalada ka socda waddanka Somalia ayaa waxa uu sababay in tiro kooban oo dadkaasi ka mid ah ay helaan gargaarka Bini’aadanimo ee hey’addaha samafalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Al-Rasuul SCW

%d bloggers like this: