Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Boobkii Suuqa Bakaaro ee magaalada Muqdisho.

JIS

Jabhadda JIS

 Halkaan ka akhri

 Al-Rasuul SCW

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay boobki iyo bililiqadii ay ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga ka geysteen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho wuxuuna u qoraa Bayaankii Jabhaddu sidan:

BAYAAN KU SAABSAN BILILIQO LOO GEYSTAY SUUQA BAKAARAHA IYO DUQEYNTII DHOOBLEY:

Waxaa mahad oo dhan iskaleh ilaahay subxaanahuu watacaalaa, naxariis iyo nabadgalyana Nabi Muxamaa dushiisa allah yeelo.

Intaa ka dib:Marka hore waxa aan aad iyo aad uga xunnahay dhibkii ku dhacay labadaan maalmood sahacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho gaar ahaan jidadka 30ka, Wadnaha, bililiqada suuqa weyn ee bakaaraha iyo duqeenta uu Mareykanku geystay Magaalada dhoobley ee Gobolka J/hoose.

Xadgudubyadaasi waxa ay daliil cad u uyihiin: ujeedada cadowga gumeystaha ah in ay tahay baabi’inta diinta. Nafta, Maalka. Sharafta. Iyo Caqliga kuwaas oo ah waxa ay shareecada Islaamka waajibisay in la dhowro.

Waxa ayna ujeedadooda tahay in ay ka dhigaan dadka: wax ay dilaan, dhacaan, kufsadaan, barakiciyaan, iyo in ay ku qasbaan gumaadka, taana waa arin uusan aqbali Karin qof damiir leh, sharafdhacna ku ah Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, loona baahanyahay in laga dhiidhiyo gumeystaha arintaasi foosha xun loona istaago wax ka qabadkeeda.

BAAQ

Haddaba Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay u soo jeedinaysaa baaq:

1- Shacabka soomaaliyeed, oo dhibka ku dhacay.

2- Nimanka sheeganaya in ay yihiin Dowlad una shaqeynaya Gumeysiga Ethiopia.

3- Umadaha Muslimka ah meelkasta oo ay joogaan.* Jabhadda Islaamiga waxa ay Shacabkeeda Soomaaliyeed ee Muslimiinta 100% ugu baaqaysaa arimahaan soo socda:

1- in ay ilaahay utowbadkeenaan oo isagu talasaartaan, muujiyaanna Sabar iyo Cabsi eebe.

2- in ay ku midowbaan qabsashada Kitaabka Alle iyo Sunada Nabiga N.N.K. kuna xalliyaan khilaafkooda, hal meelna uga soo jeestaan Cadowgooda ku soo duulay Diintooda, Dadkooda, Dalkooda, ogaadaanna in uu arinka yahay kala qeybi oo marba qeyb baabi?i, oo gumeyso.

3- in ay Maalkooda iyo Naftooda ku bixiyaan Jihaadka lagula jiro gaalada hororka ah, kuna tala galaan dagaal waqti dheer qaata.

4- in ay ogaadaan qof kasta oo u?istaaga in uu difaaco Diintiisa, Naftiisa, Maalkiisa, sidaana ku dhinta in uu yahay Shahiid, ilaahay agtiisana uu ku leeyahay ajir iyo darajo sare.

5- in ay ogaadaan sababta ay ciidamo uga dhigteen nimankii tuugada iyo isbaara jooga ahaa, in ay kula kacaan shacabka dhac, boob, barakac, kufsi, dil, taasoo u ah Mushaar ay ku shaqeeyaan.

6- in ay is faraan wax kasta oo wanaag iyo samafal ah, iskana reebaan wax waliba oo xumo iyo Xadgudub ah.* dhinaca kale waxa ay Jabhaddu Ugu baaqeysaa Nimanka sheeganaya in ay yihiin Dowlad una shaqeynaya Gumeysiga qodobadan hoos ku xusan:

1- in ay ilaahay u towbad keenaan, kana baxaan kaalmada ay siinayaan gumeysiga, ogaadaanna waxa ay ku jiraan oo ah in garab la siiyo gaalo ay tahay diin ka bax qayaxan.

2- in ay u damqadaan shacabka soomaaliyeed, kana joojiyaan boobka, dilka, barakicinta, shacabkaasoo usoo tashteey Cadowga Ilaahay, si uu uga saaro diintooda Islaamka.

3- in waddanka ka saaraan umadda soomaaliyeedna u ogolaadaan in ay ka tashatao aayaheeda iyo soo celinta sharafteeda, kana tanaazulaan dowladnimada ay sheeganayaan ee aan waxba ka jirin.

4- in ay joojiyaan Saraakiisha iyo ciidanka u shaqeeya Gumeysiga ee caadaystay dhibaateynta maatada kulana kacaan jidgooyooyin, baarasho, dhac, xirid, barakicin, galid goobaha cibaadada. F. G. waxaa wax laga xumaada ah in ay Xooggii dalka soomaaliyeed ka leexdeen ujeedadii loo soo taba baray oo ahayd difaaca dadka, dalka, diinta, oo ay garab ku siiyaan in ay itoobiya calankeeda ka taagato xeradii gaashaan dhigga soomaaliya.

DIGNIIN:

Waxaan u digaynaa dhamaan dadka dhibaatada ku haya shacabka in ay ka joojiyaan dhibaatada haddii kale si toos ah ayaan u beegsan doonaa, innaga oo xilka ugu weyn iska saaraynay ka hortagga gumaysiga.* sidoo kale waxa ay Jabhadda Ugu baaqeysaa Ummadda Islaamka oo dhan:

1- in ay ogaadaan kana fakaraan cawaaqib xumada ka imaanaysa dulmiga iyo gardarada cad ee ka socda soomaaliya, taasoo ay geysanayaan Cadowga uu horboodayo Mareykanka iyo itoobiya.

2- in ay la garab istaagaan walaalahooda Muslimiinta ah hiil iyo hooba dhamaan dacallada aduunka gaar ahaan Soomaaliya.

GABAGABO:

Ugu danbeyntii waxaan carabka ku adkeyneynaa in aad iyo aad uga xunnahay Barakicii iyo Bililiqadii loo geystay Shacabkeena, waxaan uga tacsiyeyneynaa shacabka wixii gaaray oo dhib ah, gaar ahaan cidii eheladooda ama maalkooda ku waayay duqeyntii uu Mareykanku u geystay Dhooblay. Iyo bililiqada suuqa weyn ee Bakaaraha, duqeyntaas iyo Bililiqadaasi oo ah tii ugu horeysay.

Waxaana wacad ku mareynaa in aan wadi doonno jihaadka aan kula jirno cadowga ilaahay, ilaa aynu ka kornoqoto diinta Alle, kana saarno dalka gumeysiga -Inshaa Allah- una taagnaan doono difaaca Shacabka yaga.

Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka guud
Ee Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: