Suuqa Bakaaraha
Halkaan ka akhri
 HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA NUUR CADE
Waraysi uu BBC-da siyay Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde ayuu ku sheegay in uu ka xun yahay bililiqada ka dhacday suuqa Bakaaraha wuxuuna sheegay inuu cudur daar u gudbinayo ganacsatadii dhibku ka soo gaaray boobka loo geystay suuqa wuxuuna sheegay in uu ku rajo weynyahay in falka noocan oo kale ah uusan soo noqon mar dambe.
Nuur Cadde wuxuu kaloo uu waraysiga ku sheegay in ay gudi u saareen baaritaanka fal dambiyeedyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha si maxkamad loo soo taago ciddii ka dambaysay wuxuuna intaa raaciyay in ciidamada bililiqada geystay ay yihiin kuwo ku soo dhex dhuuntay ciidamada DKMG ah oo baabi’inaya sumcada ciidamadooda, hadalkaas oo ay la yaabeen dadkii dhageysanayey wareysigiisa.
Sidoo kale xubin ka tirsan Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga oo magaciisa la yiraahdo Cali Calas Qaarey ayaa BBC-da u sheegay in boobka dhacay uusan ahayn wax caqliga gali kara wuxuuna sheegay in DKMG ah ay ula dhaqmayso dadweynaha sidii ay wada dambiilayaal wada yihiin.
Waxaa kaloo ka hadlay dhacii loo gaystay suuqa bakaaraha Sheikh Shariif Sheikh Axmed wuxuuna sheegay in bobkaas uu yahay wado lagu dhacayo hantida dadweynaha ee taala suuqa wuxuuna intaa ku daray in Nuur Cadde iyo xukuumadiisaba ay awoodin wax ka qabashada boobka hantida shacabka, wuxuuna ku eedeeyay in ay gabaad u yihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.
Mudane Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiya Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka hadlaya bililiqadii ay ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga ka geysteen suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in lagu soo tala galay dhaca loo geysanayo suuqa Bakaaraha wuxuuna khasaarooyinka ka dhashay boobkii lagula kacay suuqa uu ku qiyaasay hanti gaaraysa 1 milyan iyo 8 o kun oo dollar in laga dhacay suuqa Bakaaraha .
Si kasta ha ahaatee ciidamo ka tirsan DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga waxay Saakay gudaha u soo galeen suuqa Bakaaraha waxaan la maqlayaa rasaas ay ridayaan mana cada ilaa iyo hada waxa ay damacsan yihiin.Â
SomaliSwiss MuqdishoÂ
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.