Magaalada Buur-hakaba oo saakay gacanta u gashay Mujaahidiinta Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya.

buurhakaba.jpg

Buur-hakaba

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliyeed ay Ciidamo ka tirsan Jabhadda ay saakay Salaadii weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya oo ku sugnaa kontorolka Banoodo ee Magaalada Buur-hakaba, balse weli lama soo sheegin khasaarihii halkaas ka dhacay .

Warku wuxuu intaa ku daray in ay ciidamada Jabhaddaas ay sii galeen gudaha magaalada weerar kalena ay ku qaadeen saldhiga Booliiska ee degmada Buur-hakaba, halkaa oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Booliska ee DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga, waxaa kaloo la soo sheegay in xoogaga jabhaddu la weegeen saldhigii dagaal qaraar kadib oo lagu dilay taliyihii saldhiga markii uu dagaalamay kadib.

Hase ahaatee  xoogaga Jabhadu waxay halkaas ay kula wareegeen hub iyo saanad isugu jira kuwo cul-culus iyo kuwo fud-fudud oo ku keydsanaa Bakhaar ku yaala saldhiga Booliska.

Kadib markii ay xoogaga Jabhaddu la wareegeen saldhiga Booliska waxay isku fidiyeen qeybihii kale magaalada oo ay gabi ahaanba la wareegeen, waxaana la sheegayaa in ay Shirkada Isgaarsiinta ku amreen in ay khadadka jaraan intii ay howl galadu socdeen, saacado kadibna waxay si nabad galyo leh cutubyadii weerarka qaaday uga wada baxeen magaalada iyaga oo ku sii jeeda goobihii ay ka soo howl galeen.

Dhinacooda waxay mas’uuliyiinta Jabhadu qirteen in dagaaladaas uu kaga dhaawacmay hal askri oo ay sheegeen in uu dhaawiciisu sahlan yahay.

Balse ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha Ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga ka soo gaaray weeraradaas, Sidoo kale lama soo sheegin wax shacab ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalkan saaka magaalada ka qarxay.

War kale ayaa sheegaya in xoogaga jabhadda si kadis ah isugu dhaceen kolonyo ciidamada gumeysiga Itoobiyaanka  oo ka yimid dhinaca Muqdisho, waxayna halkaa kaga gubeen gaari Ural ah oo siday ciidan, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ciidamada gumeysiga Itoobiyaankaka soo gaaray qaraxa gaarigaas iyo tacshiiradii kale ee ay xoogaga Jabhaddu ku fureen, waxayse mas’uuliyiinta Jabahaddu shaaca ka qaadeen inaan dhinacooda wax khasaaro ah soo gaarin.

Ha yeeshee howl galkani ma ahan midkii ugu horeeyay ee ay Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya ay ka fuliso wadada isku xidha Baydhabo iyo Muqdisho waxayna horay halkaa ugu gubeen gaadiid ay leeyihiin ciidamada gumeysiga, bishii February-na waxay inta u dhaxeysa Leego iyo Wala-weyn kula wareegeen gaari tikniko ah oo laga lahaa Villa Soomaaliya.

  SomaliSwiss Baydhabo 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: