Diyaarado ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka oo xalay duqeyn u geystay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

usa.jpg

Diyaarada AC130

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayo magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubba Hoose ayaa sheegaya in xalay ay  Duqaymo ba’an u gaysteen dayaarado ay leeyahay Militeriga Mareykanka deegaanno ka tirsan Gobaladda Jubbooyinka oo ay ku xooganaayeen dagaal yahanada Maxkamadaha islaamka Soomaaliya.

Wararka nagasoo gaarayo magaalada Dhoobleey ayaa sheegayo in Diyaaraddaha dagaalka ee loo yaqaan AC-da ay Weerar dhinaca Cirka ah ku qaaday goobo cayiman oo ku yaala degmada Dhoobleey.

labo gantaal ku dhaceen Degmadaas, xili ay dadkeedu hurdeen.Hase yeeshee dadka  ku sugan Degmada Dhoobley ayaa warbaahinta u sheegay in ay laba gantaal  ku soo tuurtay diyaarado uu Mareykanka leeyahay oo nooca AC130 ah, taasi oo  muddooyinkanba dul heehaabeysay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubba Hoose.

Waxayna intaas ku dareen dadka deegaanka Dhoobley in labadan Gantaal  ay ku  dhaceen guri ku yaala gudaha Degmada, waxayna geystay dhaawac soo gaaray 3 ruux oo jiifay guriga uu ku dhacay banaankiisa, iyadoo sidoo kalena ay waxyeello ka soo gaartay Gantaalladaas  xoolo lagu xanaaneynayay meel aan u dheereyn halka uu gantaalkaas ku dhacay.

Warku wuxuu intaas ku daray in intii aysan Diyaaradda gantaalka ku dhufan Degmada  ay sii deysay ileys magaalada oo dhan ka dhigay maalin oo kale, iyadoo kadibna labadaas gantaal ku dhufatay guriga ay dadka ku dhaawacmeen, iyadoo halkii ay gantaalladaas ku dhaceena ay ka qodmeen godad waa weyn.

Dadka Degmada Dhoobley ayaa haatan xaaladdooda waxay tahay mid caksan, waxayna dadka qaarkood bilaabeen in ay qaxaan, halka kuwo kalena ay weli ku sii adkeysanayaan in ay sii joogaan iyadoo weli ay dushooda ku noqnoqoneyso diyaaraddii xalay gantaalaha ku dhufatay.

Waxaa horaantii sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2007 ayay ahayd markii Diyaarado uu Mareykanka leeyahay ay duqeeyeen deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Dhul Howd ah oo loogu sheegay  in ay galeen xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee laga saaray deegaanadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, walow ay duqeyntaas ku baaba’een dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodi oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee ay Diyaaradaha duqeeyeen. 

Duqeynta xalay loogu geystay Degmada Dhoobley ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan uu Degmadaas ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo gacanta ku haya Degmada oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Maxkamadihii Islaamka iyo Maleeshiyo Beeleedyo iyana deegaanka ah, kuwaasi oo uu dagaalkooda salka ku hayay dil ka dhacay Degmada, kaasi oo ay geysteen Ciidamada Degmada Dhoobley gacanta ku haya. 

SomaliSwiss Kismaayo 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: