Afhayeenka Dowladda KMG Cabdi Xaji Goobdoon oo sheegay sababta ay u Bililiqeysteen maleeshiyaadkooda Idaacadaha Muqdisho.

Cabdi Xaaji Goobdoon

Afhayeenka Dowladda

Halkaan ka akhri

 Al-Rasuul SCW

Afhayeenka dowladda KMG ee u adeegta Gumeysiga Ethiopia Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka hadlay sababta keentay bililiqada maleeshiyaadka dowladu ay ku boobeen idaacada Shabeele ayaa sheegay in idaacadaasi ay ka beensheegtay safarka madaxweyne C/llaahi Yusuf uu ku tagay Baydhabo.

“Idaacada Shabeelle waxay sheegtay in madaxweynuhu uu aaday Ethiopia, isagoo jooga Baydhaba, sababtaas ayaana keentay in ciidamada dowladdu ay galaan idaacadaas iyagoo baarayay beenta ay sheegtay” ayuu yiri Cabdi Xaji Goobdoon.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo u waramayay Idaacadda CNN-ta ayaa sheegay in ay Idaacadaha iyo Website-yada gaarka loo leeyahay ay kabeen sheegaan Dowlada KMG ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon Idaacadaha waxey kashaqeeyaan burburinta dowladda KMG, waxaana laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

Maleeshiyaadka Dowladda KMG ee u adeega gumeysiga ayaa sidoo kale shalay boob iyo bililiqo u gaystay qaybo badan oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo ay ka mid yihiin Suuqa DHARKA, kan SARIFKA lacagaha, kan DAHABKA iyo sadex idaacadood oo kala ah Shabeele, Horn Afrik, iyo Simba.

Boobka maleeshiyaadka Dowladda KMG ee u adeega gumeysiga ayaa cadayn u ah inaysan dan iyo heelo ka lahayn dowladnimo.

Wali wax jawaab ah lagama hayo Col. C/llaahi Yusuf, waxaase bililiqada maleeshiyadka dowladda Imbagathi ka hadlay Col. Nuur Cadde oo qirtay in kooxdiisu ay boob ka gaysteen Suuqa Bakaaraha.

Halkaan ka akhri warka oo English ah http://edition.cnn.com/2008/WORLD/africa/03/02/somalia/index.html

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: