Ciidamadda Dowladda oo xoog ku galay Idaacadda Shabelle kana kaxeystay Agaasime Maxamed Mukhtar Hiraabe.

shabelle.jpg

Idaacadda Shabelle

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta ay Ciidamo ka tirsan Dowladda ku meel gaarka ay si xoog ah ku galeen dhismaha idaacadda Shabelle iyagoona halkaas ka kaxeystay Agaasimaha Idaacadda Mudane Mukhtaar Maxamed Hiraabe, waxayna horay u qaateen qalabka istuudiyaha oo ka mid ah,  labo mixer, kombuyuutaro iyo teleefoonada Idaacadda.

Ilaa iyo hadda lama oga ujeedada ka dambeysa weerarkan halista ah ee ciidamadda dowladda ay ku soo qaadeen dhismaha Idaacadda laguna kaxeystay Agaasime Maxamed Mukhtaar Hiraabe.

Sidoo kale waxaa Shaqaalaha idaacadda ay aragagax iyo cabsi ku riday weerarka lama fillaanka  ah ee ay Ciidamada dowladdu ku soo qaadeen dhismaha Idaacadda. 

Hase ahaatee Ciidamadan oo si waali ah ku soo galeen gudaha qololka idaacadda markaasna waxay nagu amreen in aan dhulka jiifsano inaga oo u qaadanay in maanta ay nagu egtahay nolosha” ayuu yiri, weriye ka tirsan Shabelle oo aan magaciisa la shaacin kara khatarta jirta awgeed.

Waxaa kaloo Isla maanta ay ciidamadan dowladda ay  soo wareereen Idaacadda Simba oo iyana ku taalla isla wadada ay ku taalla Shabelle, waxayna ciidmada ay ka qateen qalabkii shaqada ee Idaacadaasi.

Balse lama ogaan karo aayaha uu ku sugan yahay Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo ay ciidamadda dowladda ku kaxeysteen qoryo mana jirto fursad ay shaqaalaha kale ee ku jira idaacadda ay dibedda ugu baxaan waayo waxaa weli ku hareereysan ciidamadda dowladda ee soo weeraray.

Sida runta ah waxaa Warbaahinta Soomaaliya  soo foodsaaray khatar aad u weyn oo aakhirkii ay sida la hubaa horseedi doonta in la aamusiyo xorriyadda hadalka  ee Soomaaliya,waxaana Soomaaliya laga waayi doonaa ixtiraam la’aanta waxyaabaha aasaasiga u ah dimoqraadiyadda. 

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: