Afhayeenka Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo gaashanka ku dhuftay waan waanta ay Ethiopia sameynayso.

Sh. Cabdirixiin Muudeey : “Ethiopia Haku Dhex Dhexaadiso Waa Waraabe Hilib Ku Raro“.

muudey1.jpg

Afhayeenka MMIS

Halkaan ka akhri

Afhayeenka midowga maxkamada Islaamiga ee soomaaliya Sheikh C/raxmaan Muuday ayaa sheegay in wax wadahadal ah aysan la gali doonin DKMG ah ee la shagaysa gumeysiga Itoobiya, waxaana hadalka Muudey uu soo baxay kadib markii Cabdi Xaaji Gobdoon oo ah Af hayeenka DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga uu sheegay in ay Itoobiya ka geyb qaadanayso dadaalada laga dhex wado iyaga iyo xoogaga ka soo horjeeda.

Wuxuu kaloo intaas ku daray oo uu sheegay Sheikh C/raxmaan Muuday in marka hore lo baahan yahay in la qeexo cida wax dhex dhexaadinaysa, dhex dhaxaadintasina ay noqotaa mid loo wada dhan yahay ayna ka madax banaanaato fara galin shisheeye, waxaanu dhanka kale sheegay in dadka Soomaalida ahi ay yihiin kuwa xalin kara mushkilada haysta , wuxuuna meesha ka saaray gacan sadexaad oo soo dhex gasha.

Afhayeenka ayaa soo dhaweyay dhex dhexaadin ay sameeyaan Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Midog Afrika wuxuuna meesha ka saaray in aysan soo galin wadamada safka hore ama kuwa ku jira urur goboleedka IGAD.

Sh. Cabdirixiin Muudeey ayaa shaaca ka qaaday inay Waraabe Hilib ku raro tahay hadalka kasoo baxay Xukuumada Ethiopia ee oranaya Waxaanu Heshiisiin doonaa kooxaha soomaaliya isku haya . 

Sheikha ayaa xusay inay ethiopia tahay dhibaatada ku kala dfhex jirta Umadda soomaaliyeed islamrkaana haddii ay ka dhex bixi lahayd ay umaddu Heshiin lahayd, intaasi wuxuu raaciyey inay Ethiopia wadanka Gugihiisa ku hayso xasuuq Balaaran ay u geysanayso shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Cabdirixiin Muudeey ayaa Xukuumada Ethiopia ku eedeeyey Inay tahay dhibaatada keliya ee wadanka soomaaliyeed la degi là yahay haddii ay maanta Tiri waxaanu heshiisiin doonaa kooxaha isku haya wadanka soomaaliya waxay ka dhigan tahay, “Waraabe Hilib ku raro oo Areerina Dacay Uga dhig“.

Sheikh cabdiraxiin Muudeey oo la hadlayey saxaafada ayaa Gaashaanka ku Dhuftay Hadalka ka soo yeeray Xukuumada Ethiopia ee Oranaya Gogol ayaanu isugu yeeraynaa Kooxaha isku haya siyaasada soomaaliya.

Sheikh C/raxmaan Muuday ayaa ciidamada Ugandha iyo Burundi ku tilmaayay in ay yihiin kuwo sharci garaynaya joogitaanka ciidamada gumeysiga ee ku sugan gudaha Soomaalia , wuxuuna ciidamada AMISOM ku eedeeyay in ay taageero ka geystaan xasuuqa ay ciidamada gumeysigu kula kacayaan shacabka.  

Sidoo kale Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay in meel kasta ku beegsanayaan ciidamada gumeysiga inta ay ku sugan yihiin gudaha soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhufray in ay waajib ku tahay in ay gumeysiga ka saaraan gudaha dalka , inta ka horaysana aysan wax wada halad ah aysan la gali doonin.

Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo baxay af hayeenka dhinaca warfaafinta Midowga Maxkamada Islaamiga Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili Ra’iisal wasaaraha DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga iyo Af hayeenkoodaba ay carabaabeen in ay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan xoogaga ka soo jorjeeda siyaasadooda iyo sidoo kale joogintaanka ciidamada gumeysiga. 

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: