Xoogagga Mujaahidiinta oo maanta Weerar xoogan ku qaaday Ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan magaalada Muqdisho.

mujahidinta_dunida.jpg

Xoogagga Mujaahidiinta

Halkaan ka akhrî 

Iska horimaad aad u xoogan oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan sodcayna mudo ka badan dhowr saacadood ayaa maanta barqanimadiii waxa uu ka qarxay xaafado kala duwan oo ku teedsan wadada warshadaha iyo tan sodonka kaasi oo u dhaxeeyay xoogaga Mujaahidiinta iyo ciidamada gumeysiga oo saaka ka soo ruqaansaday fariisimihii ay ku jiri jireen .

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada gumeysigu ka soo kala baxeen goobaha ay ka mid ka ahaayeen Wasaaradii hore ee gaashaan dhiga xunta kubada Cagta iyo goobo kale isla markaana ay isku baahiyeen dhamaan wadooyinka soo gala suuqa weyn ee bakaaraha .

Hase ahaatee dagaalkan ayaa oo marba marka ka sii dambeysay sii xoogaysanayay ayaa ku faafay meel kala duwan gaar ahaan inta u dhaxaysa xaafada Al baraka ilaa qeybo ka mid ah xaafada Xamar Jadiid , waxaana sidoo kale dagaalka markuu xoogaysay magaalada oo dhan hal mar wada ruxay hugunka madaafiicda ay soo ridayaan ciidamada gumeysigu.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay madaafiiic aan loo meel dayin, waxayna la soo bar tilmaameedsanayeen qeybo ka mid ah suuqa bakaara waxaana isla suuqa qeybtiisa khudaarta ku dhacay dhowr mafdac oo sida la sheegay laga soo riday dhanka wasaaradii hore ee gaashaandhiga .

Sidoo kale ciidamada gumeysigaItoobiya ayaa meelo fog fog dadka ka soo tooganayay taasi oo keentay dhaawacyo kala duwan oo soo gaareen dad shacab ahaa oo doonayay in ay gooyaan wadooyinka ka ag dhow goobaha laysku fara saarayay. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo dadka ku sugan xaafada Al-Baraka ayaa tilabaxaya in ay xaafadaas dhex yaalaan maydka labo askari oo Itoobiyaan ah kuwaas oo ay rasaasta meel kala duwan kaga taalay.

Waxay kaloo ay wararku sheegayaan in Isbiltaalka Madiina la gaarsiiyay ilaa dhowr dhaawac oo ay haleeshay rasaas ay ciidamada gumeysigu Itoobiya la soo beegsadeen dadka rayidka ah ee xaafadaha deggan.

Balse wararka aan ka helayno goobaha dagaalka socday ayaa sheegaya in mudo aad u dheeroo saacado badan ah uu socday Iska horimaadkan, isla makaana uu keenay inuu hakad galo dhaq dhaqaaqii gacansiga ee suuqa weyn ee bakaaraha ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii la soo dhaafay ay magaaladu u muuqatay mid yara dagan , waxaana goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada gumeysiga laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay sameynayeen.

Dadka u kur gaka xeeladaha dagaalka ayaa sheegaya in Xoogaga mujaahidiinta ay maalmihii la soo dhaafay u muuqtay kuwo taatiko ahaan ka duwaanaa sidii lagu bartay. 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: