Shir ay maanta isugu yimaadeen Dhalinyarada Sportiga Soomaaliyeed SOMSWISS dalkan Switzerland oo ka dhacay Magaalada Bern.

SomaliSwiss

Koxda SomSwiss

Halkaan ka akhri

Shir ay maanta oo ay Taariikhdu tahay 01-März 2008 ay isugu yimaadeen Dhalinyarada Sportiga wadankan Switzerland, kaasoo looga hadlayay dhalinyarada uga qeyb gali doona Sanadkan koobka lagu maban doono Magaalada Fulham ee wadanka UK, ee EuroSom.

 SomaliSwiss

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Sportiga gobolka Berna ayaa waxaa uu kadhacay xaafadda Bethlehem ee magaalada Bern, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhalinyarada Sportiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada wadankan Switzerland, inkastoo ay gudiga iyo dhalinyarada gobolada qaar ay Shirka maanta kasoo qeyb galin oo ay ka cudurdaarteen imaatinkoodii Shirka.

Ugu yaraan illaa 15 dhalinyaro ayaa kasoo qeyb gashay shirkii maanta kaasoo ay hor kacayeen Gudoomiyaha Dhalinyarada gobolka Berna marna ah Kabtanka Cayaartoyda Bern iyo dhamaan dalkan Switzerland Axmed Maxamed (Axmadeey Wea) iyo soo dhaweynta oo uu u qaabil sanaa C/llaahi Maxamed oo ku magac dheer (LEE).

Shirkii maanta ayaa looga hadlayay wakhtiga uu ku aadan yahay Safarka iyo wakhtiga lasafri doono iyo sidii loo bixi lahaa iyo sidii ay u kulmi lahaayeen dhalinyarada loo xalayo in ay ka qeyb qaataan ama matalaan SOMSWISS iyo sidii ay Tababaro usii sameyn lahaayeen.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Axmadey Wea ayaa halkaasi dhalinyarada uga sheegay in uu safar kooda ku beegan yahay 10 Lulyo 2008, halka Cayaaraha EUROSOM SEUKI ay bilaabanayaan 12 Lulyo 2008 Illaa 1 August 2008, oo ay cayaaruhu dhamaan doonaan.

Axmadey Wea ayaa sheegay in ay ka cudur daaranayaan maadaama Dhalinyaradii iyo gudigii gobolada inta badan aysan shiran kasoo qeyb galin sababo ay sheegteen awadeen, uuna sheegay shirkan midka ku xiga ay si wada jir ah uga soo qeyb gali doonaan hadii illaahey yiraahdo, waa sida uu sheegay Axmadey Wea.

Sidoo kale waxaa uu kusoo gaba gabeeyay in ay marka dambe kasoo qeyb gali doonaan shirka ama imaan doonaan Madaxda Sportiga Soomaaliyeed ee wadankan Switzerland sida Xaaji Cabdi Jaylaani / Maxamed Weli / iyo qaar kaloo fara badan.

Ugu dambeyntii waxaa shirkaasi lagu soo gaba gabeeyay in ay kusoo dhaweynayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Switzerland goboladiisa in ay kasoo qeyb gali karaan cayaaraha wakhtiga kadhimanna ay lasoo xiriiraan Telefoonka hoos ku qoran.

Ugu dambeyntii waxaa dhalinyaradii halkaasi isugu timid ay u mahad celyeen dhalinyaradii sida aadka ah isugu taxluujisay Shirkan iyadoo uu gacan weyn ka geystay C/llaahi Maxamed oo ku magac dheer (LEE).

Taariikhda Bixitaanka 10 Lulyo 2008

waxey bilaabanayaan Cayaaraha 12 Lulyo Illaa 1 August 2008

Meesha ay ka dhaceyso Fulham United Kingdom

Wixii faahfaahin intaa dheer kala xiriir

Gudoomiyaha Dhalinyarada gobolka Berna marna ah Kabtanka Cayaartoyda Bern iyo dhamaan dalkan Switzerland Axmed Maxamed (Axmadeey Wea) Tell: 0796875545. ama Email. Webmaster@SomaliSwiss.net

SomaliSwiss Yusuf garabey Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: