Hogaan Cusub oo loo soo magacaabay Ciidamada Amisom ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

afhayenamisom.jpg

Afhayeenka Amisom

Halkaan ka akhri

Midoowga Africa ayaa u soo magacaabay Taliye Cusub ciidamada Ku sugan Dalka Soomaaliya ee Amisom taliyahaasii Soo gaaray Dalka shalay Galinkii Danbe.

Taliyihii hore ee Ciidamada Amisom ee ku sugnaa Dalka Soomaaliya Major Gen. Levi Karuhanga ayaa la badalay waxaana ay Midoowga Africa Ku bedeleen General Okelo oo isaga noqonaya TAliyaha Cusub ee Ciidamada Amisom.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM ayaa shalay Galinkii Danbe ka soo degay Garoonka Caalamiga Ah ee Aadan Cadde Interanational Airport ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu yahay Mid Qabanay Xilka Taliyanimada Ciidamada AMISOM ee Fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Ba-Hoku Barigye ayaa waxaa uu arrintasi u cadeeyay Warbaahinta Muqdisho, wuxuuna  Sheegay in Taliyihii Hore uu Waqtigii loogu Tala Galay uu Dhamaaday isla markaan Lagu Bedelay Gen Okelo.

Major Gen. Levi Karuhanga oo ka mida Ciidamadii Gaashaandhiga wadanka Uganda ayaa waxaa uu xilkani qabtay Bishii March ee la soo dhaafay markii ciidamada Amisom  ay Dalka Soomaaliya soo gaareen.

Sidoo kale Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa uu maalintii Arbacada uu kordhiyay Waqtigii ay Ciidamada AMISOM ay joogi lahaayeen isla markaan loogu daray 6 Bilood oo hor leh. 

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: