Shir madaxeedkii 10-naad ee Midowga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka.

afrika1.jpg

Shirka M. Afrika

Halkaan ka akhri

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya,waxaana Ajendihiisa ugu weyn uu yahay Arimaha xaaladda Soomaaliya iyo sida loo geyn lahaa Ciidamo dheeraad ah gudaha soomaaliya, sudaan iyo kenya

Waxaa  Kulanka Madaxweynayaasha wadamada ka tirsan Midowga Afrika,ka soo qayb galayaa,  Xoghayihii hore ee QM koofi anaan, Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan arimaha Afrika Jendayi Frazer.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo xasaradaha cakiran ee ka taagan wadanka Kenya iyada oo uu uga qeyb galayo Kibaaki oo isagu sheeganaya Madaxweynennimda Dalkaas.

Sidoo kale waxaa Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga itoobiya uga qeyb galayo Raiisul-Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo markii ugu horeysay oo uu hor fadhiisto Madaxda qaaradda africa, wuxuuna shirkaasi ku soo bandhigi doona sida ugu haboon ee dib loogu soo celin karo arimaha amaanka Soomaaliya iyo taageerada dowlada ay uga baahan tahay waddamada Afrika ee ah in la dhameystiro ciidamadii ay ballan qaadeen ee soo celin lahaa ammaanka iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Mudane Nuur cadde uu halkaasi ka soo jeedin doono waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa intii la magacaabay.

Gudoomiyaha Midowga Africa Alpha Omar oo isagu halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay geeyeen ciidamo gaaraya 2,500 oo Askari isla markaana ay filayaan in la soo dhameystiro tiradii Ciidamada uu ay horey u balan qaadeen oo ah 8 kun oo askari.

Shirkan oo ah shir Madaxeedkii 10-aad oo Midowga Afrika uu yeelanayo ayaa lagu wadaa in wadama afrika ee ka soo qeyb galay lagu qal qaaliyo sidii ay ciidamo ka socda wadamadooda u geyn lahaayeen wadamada Soomaaliya iyo Suudaan.  

SomaliSwiss Addis-Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: