Maxamed Dheere oo ugu baaqay Mucaaradka kasoo horjeeda wadahadal iyo in dilka ugaarsiga ah laga daayo maamulkiisa gobolka Banaadir.

max. dheere

Maxamed Dheere

Halkaan ka akhri

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday xiligan in Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ay ka qeyb galaan wada hadalka uu ku dhawaaqay Ra´isal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), isla markaana ay joojiyaan waxa uu ku sheegay dilalka ugaarsiga ah ee loo geysanayo Maamulkiisa.

Max’ed Dheere ayaa sheegay in iska Hor’imaadyada u dhaxeeya xoogaga mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo kaashanaya kuwa la shaqeeya ay ku dhibaatoodeen maamulkiisa isla markaana ay ka soo gaareen khasaarooyin nafeed oo uu sheegay in laga dilay 9 gudoomiye degmo.

“Isqab qabsiga u dhexeeyay dowalada Soomaaliya iyo xoogaga ka soo hor jeeda waxaa uu dhabarjab ku noqday howlihii maamulka gobolka Banaadir hor yaalay, sidoo kale waxaa ay dhibaato ka soo gaartay shacabka sida caruurta iyo haweenka oo Hoobiye lagu laayay, waxaana mucaaradka ugu baaqeeynaa in ay nala qaataan nabada aan ugu baaqnay” ayuu yiri Max’ed Dheere.

Shalay ayuu maxamed dheere sheegay ka dib kulan ay ku yeesheen guddoomiyayaashiisa ugu qaabilsan degmooyinka gobolka Banaadir iyo xubno ka ka mid ah ku xigeenaddiisa gaadiidka Booliska in mucaaradka ay joojiyaan weerarada qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ay ku khaarijinayaan madaxda Dowladda KMG ah.

“Kuwa isku sheegaya mucaaradka amase kuwa nala dhashay ee Soomaaliyeed waxaan leenahay nin god galay soo ma baxeen waa la heshiin doonaahe waxaad yeelaysiin dadka dilka ka daaya” ayuu yiri Maxamed Dheere.

Hadalkaas Max’ed Dheere uu ka sheegay xarunta Gobolka Banaadir kadib shir uu la qaatay xubno ka mida Cidanka Dowlada Hoose ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia, ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay wadaan Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya dhaq dhaqaaq ciidan oo u muuqda istiraatiijad dagaal, isla markaana uu Nuur Cadde wado Siyaasad madax salaax ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: