Dadkii barakacay
Halkaan ka akhri
Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in kororka nafaqo darada iyo sida ay u adkaatey qaybinta sahayda gargaarka ay Soomaaliya ka dhigtey meesha ugu xun Aduunka ee ay ka jirto xaalado bini’aadamtinimo, sida ay hay’adu sheegtay, waxayna xaaladaha dalka Soomaaliya ku tilmaantay inay tahay xaaladda bini’aadaminimo tii ugu darnayd ay ka jirta Adduunka.
Hay’adda UNHCR waxay sheegtey in dad ka badan 1 milyan oo qof ay ka baxsadeen ama ka carareen guryahoodii wadanka Soomaaliya, ka dib markii ay saameeyeen dagaalada u dhaxeeya ciidamada Itoobiyaanka oo garabsiinaya Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha la dagaalamaya ee diidan joogitaankooda.
Madaxa hay’dda UNHCR Mudane Guillermo Bettocchi ayaa waxaa warsaxaafadeed siiyey warfidiyeenada Magaalada London ee dalka Britain, wuxuuna carabka ku dhuftay in uusan waligiis arag xaaladda Soomaaliya oo kale ka hor.
“Xaaladdu aad ayey u adag tahay, waana marxaladda ugu khatarsan ee bini’aamtinimo ee aduunka maanta ka jirta, xitaa waxay ka darantahay xaalada Gobolka Darfur ee galbeedka wadanka Suudaan halkaasi oo ay ka barakaceen dad ka badan 2.5 milyan oo qof, ayuu yiri Mudanr Bettocchi.
Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 50% dadka Soomaaliya ay la ildaran yihiin nafaqo daro iyo hawlaha caafimaadka ay aad u xadidan yihiin, iyadoo sidoo kalana ay gabaabsi yihiin nadaafada, biyaha iyo Hoyga ama agabka gabaadka roobabka laga onkorto.
SomaliSwiss London
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |