Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo fariisimo cusub ka sameystay (kala bayr) & (Janta Kundisho 115)” ee Gobolka Hiiraan.

Fuck Ethiopian troops

Kala Beyr

Halkaan ka akhri

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo ku hubaysan Dabaabadaha Dagaalka ay dib ugu soo laabteen fariisimihii ay dhowaan ka guureen kala ahaa “Kala bayrka” iyo “Janta Kundisho” ee magaalada Baladweyn ee gobolka hiiraan.

Wariye ku sugan Magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ay saaka dib usoo degeen fariisimana ka dhigteen Buundada Aroos iyo waadiga xujuub ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in qeybo ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo aad u hubaysan oo isla markaana wata Baabuurta dagaalka ay fariisimo cusub ka sameysteen Buurta Janta kundisho ee magaalada Baladweyne.

Lama sheegi karo illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay ciidamadan gumeysiga markii 3-aad ay halkaasi fariisimaha ugu soo noq noqonayaan.

Sidoo kale lama sheegi karo halka ay ciidamadani sida tooska ahi uga yimaadeen iyo waliba in ay yihiin kuwii hore ee halkaasi deganaa ama kuwo cusub oo la soo badalay.

Xoola Dhaqatada iyo Dadka Beeralayda ah ee deegaankaasi ayaa bilaabay Barakac xoogan kaas oo ku salaysan cabsi xoogan oo ay ka qabaan Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaa la saadaalinayaa in aysan wax saameyn ahi ku yeelan doonin xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed ee iyagu xiligan qaatay istiraatiijad cusub oo la xiriirta dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa lashaqeeya.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: