Ciidamada cusub ee Burundi ayaa saakay fariisin cusub ka sameystay Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Burundi

Ciidamada Burundi

Halkaan ka akhri

Ciidamada cusub ee Burundi ayaa saaka fariisin cusub ka sameystay Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyadii waxbarashada ka dib markii ay ka soo guuraan xeradii hore ee xalane oo ay la deganaayeen Ciidamada Uganada.

Dadka deegaankaasi ka agdhow ayaa sheegay in Askar Burundi ah ay saaka aroortii hore galeen Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyadii waxbarashada iyada oo ay hor socdaan rag Soomaali ah oo kala tusayay jidadka.

Ciidamadan oo halkaasi ku tagay lug isla markaana aan wadan wax gaadiid dagaal ah ayaa iyagu maalmo ka hor halkaasi ku yimid sahan iyaga oo wata gaadiidka dagaalka.

Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan (Jaamacadda Gahayr) ayaa waxa degan qeybo ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

Ciidamada Burundi ee iyagu dhawaan yimid Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegay 200 askari.

Arintan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Burundi ku dhaqaaqaan xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhamaan Ciidamada ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: