Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

MUUSE NUUR

 Wasiirka Gudaha

Halkaan ka akhri

 Mudane Muuse Nuur Amiin oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, wuxuuna shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya laga saaray fariisimihii ku yaala Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta Ciidamadaas looga saaray xeryihii ay ku jireen ay tahay u daneynta bulshada, si ay dadka u helaan xoriyad ay ku socdaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas la geynayo xeryo gaar ah oo aan la sheegin.

Mudane Muuse ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay inay qurxaneyn in Ciidamada ay dhex degaaan dadweynaha dhexdooda, sidaas awgeed waxaa lagama maarmaan noqotay in dadka laga qaado culeyska, balse Wasiirku wuxuu  shacabka ugu baaqay in ay Nabadgelyada kala shaqeeyaan Dowladda, isla markaana ay sheegaan dadka nabadeglyo-darrada wada.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay goorta ay Ciidamada ku harsan gudaha magaalada ay ka bixi doonaan wuxuu sheegay in Ciidamadaas laga maarmi doono marka nabadgelyada la sugo. Ciidamada sida lagu yaqiinay waxay howlgeli doonaan marka ay yimaadaan wax weyn inta ka horeysana waxaa howsha nabadgelyada sugi doona Ciidamada Booliska, inkastoo ay jiraan Ciidamo weli ku sugan xeryo ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho.  

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo intaas ku daray in la furi doono guud ahaan Waddooyinka waaweyn ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho iyo kuwa soo gala kana baxa magaalada. 

 SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: