Sheikh Ibraahim Suuleey “Bixitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay Muqdisho ka bexeen waxay bilaaw u tahay Guusha ay soo hooyeen Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed”.

Shekh Ibr. Suuley & Sheikh Mudey

Sheikh Ibr. Suuleey

Halkaan ka akhri 

Afhayeenka Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuleey ayaa markii ugu horaysay ka hadlay guuritaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka guureen fadhiisimihii ay ku lahaayeen magalada Muqdisho. 

Sheikh ibraahim Suuleey ayaa guuritaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku sheegay in ay tahay Guul ay soo hooyeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed oo dhiig udaadiyay sidii Ethiopia ay uga saari lahaayeen dhulka Soomaaliya. 

“Bixitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia waxweyn uma aragno hadii ay ka tegayaan qaybo katirsan Ciidda dalka Soomaaliya” ayuu yiri Sheilkh Ibraahim Suuleey. 

Hogaanada kala duwan ee xoogaga Dib-U-Xoraynta ayaa ku goodiyay in ay sii wadayaan dagaalka xataa hadii Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay isugu tagaan Baydhabo oo sy dhulka Soomaaliya ka wada bixi waayaan.  

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Sheikh Ibraahim Suuleey ayaa intaas raaciyay in Ciidamnada Amisom iyo kuwa gumeysiga Ethiopia ay isugu midyihiin Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay isku kaashadeen xasuuqa shacabka Soomaaliyeed. 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: