Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo ka digay in la tago goobaha ay ka guureen ciidanka Ethiopia ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Ethiopia

Ciidanka Ethiopia

Halkaan ka akhri

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa soo dhaweeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ka baxay fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wax kasta oo bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho dhibaatada looga dul-qaadayo, wuxuuna sheegay in tallaabadii ciidamada lagu dejiyay fariisimada ay ka guureen ay ahayd mid qaldan.

“Wax kasta oo bulshada wax ku ool u ah oo danaha bulshada qeyb lixaad leh ka gelaya waan soo dhaweyneynaa, jidadka haddii ay furmeen oo la gartay in  wixii markii horeba loo xiray ay ahaayeen wax aan micno ku fadhin waan soo dhaweyneynaa, Golahana waxay ila tahay horumarka reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan waa soo dhaweynayaa”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada laga raray fariisimadii ay Muqdisho ka deganaayeen ay ka dambeeyeen wada hadallo dhexmaray iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Afahayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye dhinaca Siyaasada C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa saaka uga digay dadka shacabka ah ee ku sii qul-qulaya nawaaxiga goobaha ay ciidamada gumeysiga ka baxayaan ee Magaalada Muqdisho si aysan khasaare uga soo gaarin.

C/llaahi Dheere ayaa ugu baaqay shacabka reer Muqdisho in ay iska hubiyaan xerooyinka in ay ka guureen ciidamada gumeysiga Ethiopia fariisimaha ay ka deganyihiin qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Afahyeenka ayaa sheegay in aysan dadku ku dag dagin goobahaasi oo uu sheegay in ay ka jiri karaan marka ay ka baxaan ama inta ay ka baxayaanba in ay dhigaan khataro halis ku ah naftooda.

Hadalka Afahayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa ku soo beegmaya iyada oo xalay illaa saaka ay ciidamada gumeysiga Ethiopia bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay kaga saarayaan ciidamadooda qeybo ka mid ah fariisimihii ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay Boqolaal dadweyne ah bilaabeen in ay ka wardoonaan goobahaasi oo ay wali ku harsanyihiin ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka qaar.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in ay sii bixidooday ay dad badan xabado kulaayeen kuwana horay u qafaasheen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: