Meydadka illaa Shan qof oo ay ku jiraan askar Ethiopian ah ayaa saaka laga helay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Dambiyada Dagaal

Suuqa Xoolaha

Halkaan ka akhri

Meydadka ilaa 5 qof oo ay kujiraan ciidamo itoobiyaan ah ayaa saaka laga helay qeybo ka mid ah deegaanka Suuqa Xoolaha, kadib iska hor’imaad xoogan oo shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamada gumeysiga itoobiya iyo Xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda.

Sida ay ku soo waramayaan saaka dadka ku dhaqan deegaanka Suuqa Xoolaha waxaa la arkay meydad gaaraya illaa 5 ruux oo mid kood uu yahay askari itoobiyaan ah kaasoo la sheegay in cad cad uu u kala go’an yahay.

Askarigaan itoobiyaanka ah ayaa la dhigay saaka bartamaha deegaanka suuqa xoolaha, iyadoo dad badani ay kor dhoobnaayeen, waxaana afarta qof ee kale yihiin Somali kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Rasaas wiifto ah ayaa la sheegay in dadkaasi guryaha ay ugu tagtay iyadoo qaar kood dhaawacyo soo gaaray ay u dhinteen, kadib markii ay waayeen meel ay u maraan goobaha caafimaadka.

Ugu yaraan 8 ruux oo dhaawacyo hor leh ayaa la soo sheegayaa in iyana laga qaaday xaafado ka mid ah Suuqa Xoolaha kuwaas oo qaar kood dhaawacya halis ah, islamarkaana dhiigbaxay maadaama ilaa shalay ay iyaga oo dhaawac ah guryaha dhexyiileen.

Tirada dadka ku dhintay dagaalkii shalay Ciidamada itoobiya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ku dhexmaray suuqaxoolaha ayaa gaaraysa ilaa 25 qof oo ay mid yihiin askar itoobiyaan ah waxana ku dhaawacmay ku dhawaad 60 ruux.

Ciidamada gumeysiga itoobiyaanka ayaa cabsi looga qabaa inay saaka dib ugu soo laabtaan qeybo ka mid ah degmada huriwaa gaar ahaan suuqaxoolaha maadaama uu ka yaalo askari katirsan iyaga oo meyd ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: