Booqo www.SomaliSwiss.net
War Saxaafadeed
Halkaan ka akhri
Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ayaa maanta warsaxaafadeed canbaarayn ah ka soo saaray dilka iyo dhaawaca loo geystay Takhaatiirta, Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Hay’adda Samafalka MSF Holland waxaana uu u qornaa sida tan:-
Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya
Guddiga Fulinta
Xafiiska Warfaafinta & Wacyigelinta
أ‡أ،أٹأچأ‡أ،أ‌ أ،أ…أڑأ‡أڈأ‰ Ø£Ù¹Ø£Ú†Ø£â€˜Ø£ÂØ£â€˜ أ‡أ،أ•أœأœأ¦أ£أœأœأ‡أ،
أ‡أ،أ،أŒأ¤أ‰ Ø£â€¡Ø£ØŒØ£Ù¹Ø£Â¤Ø£â€ŒØ£ÂØ£Ú¯Ø£Âأ‰
أ£أںأٹأˆ أ‡أ،أ…أڑأ،أ‡أ£ Ø£Â¦Ø£â€¡Ø£ØŒØ£Ù¹Ø£Â¦Ø£Ú‘Ø£ÂØ£â€°
Alliance for Relibration of Somalia
The õExcutive Committee
Office of Information
____________________________________________________________________
War saxaafadeed ku saabsan qarax lala beegsaday Hay’adda Samafalka MSF Holland.
Isbahaysiga dib u xureynta Soomaaliya waxa uu cambaareynayaa dilka iyo dhaawaca loo geystay Takhaatiirta, Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Hay’adda Samafalka MSF Holland, oo shaqo caafimaad oo bulshada loogu adeegaayo ka waday Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaalilya.
Falkaan waxaa ka dambeeyey gumeystaha Itoobiya iyo daba dhilifyadooda oo caadeystay inay dilaan kuwa u adeega bulshada, waxaana wax laga xumaada ah in bulshada Soomaaliyeed ee la dilay, la bara kiciyey, la dhacay, lana cuna qabateeyey, caalamkana indhaha ka qabsado.
Siyaasadda Isbahaysiga waxay ku qotontaa in gacan la siiyo hawlwadeennada iyo inta ku hawlan adeegga bulshada ee dhinacyada badan.
Sidaas darteed Isbahaysigu wuxuu cambaareynayaa fal dembiyeed kasta oo lala beegsado Hay’adaha Samafalka ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya. Wa billaahi towfiiq.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi gelinta.
ASMARA
Asmara, 29/01/2008
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |