Dagaal dhex maray maleeshiyaad ka wada tirsan dowladda KMG ah ayaa ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

ciidamada-muqaawamada.jpg

Dagaal Leego

Halkaan ka akhri

Dagaal xoogan oo dhexmaray Maleeshiyo ka soo wada jeeda dowladda KMG ayaa ka dhacay degaanka Leego, dagaalkaan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro soo gaaray maleeshiyaadka dagaalku dhexmaray.

labo ka tirsan maleeshiyada u shaqeysa Dowladda KMG ayaa ku geeriyootay qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen, dagaalo xoogan oo maanta deegaanka Leego ku dhex maray maleeshiyada maamulkaasi iyo kuwo ka tirsan kooxaha dharka mileteriga loo geliyey.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo gacan ku heynta bar-Kontarool oo ku taala deegaankaasi Leego ee gobolka Sh/Hoose ka tirsan.

Gudoomiyaha maamulka degmada Leego oo dagaaladaasi ku eedeeyay maleeshiayada maamulka gobolka Sh/Hoose, oo uu sheegay in ay weerar kusoo qaadeen kuwiisa.

Dagaallada looga soo horjeedo ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda KNG ee gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkan danbe soo kordhayay.

waa markii seddexaad oo dagaalo sidan oo kale ah ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: