Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ah oo caawa isaga guuray qaybo badan oo ka mid ah Xarumahii ay ka degnaayeen magaalada Muqdisho.

dagaal_koonfurta_muqdisho.jpg

Ciidamo guuray

Halkaan ka akhri

Warar isa soo tarayaa ee ay soo dirayaan ayaa sheegayaa Caawa Maqribkii ay isaga baxeyn oo ay ka guureen Ciidamadii Itoobiya ee xarumaha ku kala lahaa qaybo ka mid xaafadaha magaalada Muqdisho, sida Wasaaradihii  Gaashaandhigga Warshadii hore ee Baastada, Guul-Wadayaasha, Kuliyadii Jaalla-siyaad iyo Xerada Maslax. 

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee ku suganaa  Garoonka Stadio Muqdisho ay alaabahooda Xirxirteen islamarkaana saacadaha soo socdo ay isku diyaarinayaan in ay ka guuraan Wadada 30-ka, ilaa iyo hada lama oga sababaha ay Itoobiyaaku uga guurayaan Muqdisho waxaase xaqiiq ah in ay u adkaysan waayeen Weerarada ay kooxaha Muqaawamadu kumiraan xiliyada Habiin kii ah. 

Sidoo kale Ciidamada DKMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa agagaarka Warshadda caanaha ilaa Tarabuunka ee degmada Hodan ayaa maqribnimadii caawa gabi ahaanba isaga guuray goobahaas.

Ciidamada ayaa la sheegay in guuritaankoodu yimid ka dib kilaaf la sheegay in uu soo kale dhex galay Taliyaha Guutada Shanaad iyo madaafiicda ninka lagu magacaabo Col. Saalax Liif iyo taliyaha ciidamada ku sugnaa Tarabuunka, Isbitaalka Xoogga iyo Warshaddii hore ee Caanaha kaas oo lagu magacabo Gacma-dullo khilaafkan oo aan lagaranayn waxa uu salka ku hayo.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay dageen Xarunta Villa Baydhabo oo saldhig u ahayd ka hor intii aysan soo degin goobahan oo in muddo ah ay ku sugnayeen waxaana xirnaa gabi ahaanba jidka 30ka kas oo la filayo in uu dib u furmo.

Dad aad u farabadan oo raxan raxan u soconaya ayaa waxay gaareen goobihii ay ciidamadu isaga huleeleen waxayna dadku sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin guuritaanka ay kaga baxeen ciidamadii goobahaas ku sugnaa oo dadku sheegeeen in ay dhib badan ku hayeen.

Geedigaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli maanta barqadii iyo galabta uu dagaal ku dhexmaray Xaafadda Siigaale iyo KPP ee degmada Hodan ciidamadan iyo Mujaahidiinta JIS kaas oo ay ku nafwaayeen 4 askari oo labo kamid ah ay dad rayid ah baranayeen xilliga la dilayay.

waxaa maalmahan soo xoogaysanaey dagaaalada looga soo horjeedo ciidamada gumaysiga ayadoo ay soo kordhayeen maalinba maalinta ka danbaysa awooddaha iyo xirfadaha dagaal ee Mijaahidiinta halka dhinaca kale ay soo siyaadayeen khilaafaadka, iskudhacyada iyo fakashada ciidamada DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga.  

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: