Banaan baxya aad u waaweyn oo lagu taageerayo ka bixitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka bexeen qeybo kamid ah saldhigyadoodii Muqdisho.

3

Bannaanbaxyo

Halkaan ka akhri

Banaan baxyo waaweeyn ayaa mar ka wada bilawday caawa magaalada Muqdisho kadib markii dadku ay maqleen in ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka baxeen qaar kamid ah saldhigyadii ay ka daganaayeen magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxayey ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah joogitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka Somalia, iyagoo muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin in ciidamadaasi ay ka baxaan xerooyinkii ay daganaayeen iyagoo banaanbaxayaashu aanay kala garaneenin in ay habeen tahay iyo in ay maalin tahay farxad darteed.

Banaan baxyadan ayaa ka dhacaya caawa goobaha kala ah, Gubta, Ceelasha biyaha, Tareedishe iyo lafoole iyadoo lasoo sheegayo in banaan baxyo kale ay dadweynuhu doonayaan inay kasameeyaan deegaano kale oo ku yaala magaalada Muqdisho iyo afgooye waxaana ay si weyn dadkani ugu muujinayaan mudaaharaadyadani ka bixitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia oo caawa ka baxay qeybo kamid ah saldhigyadoodii ugu waaweynaa ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa caawa ka baxay xerada Maslax iyadoo lasoo sheegayo in ciidamadaasi oo lug kusocday ay aadeen dhanka qabuuraha Barakaat, sidoo kale ciidamada ayaa ka baxay xerada Xeylo bariise, iyagoo isugu soo aruuray warshada Baastada, halkaasi oo lagu soo waramayo in ciidamadu aay heegan sare kaga jiraan.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa sidoo kale caawa ka baxay xeradoodii wasaarada gaashaan-dhiga iyadoo ciidamo ka tirsan Milatariga dowlada KMG ah ay ka baxeen iyaguna  warshadii hore ee caanaha, in kastoo xerada guulwadayaasha ay ku suganyihiin ciidamo Boolis ah.Illaa iyo hada lama garanayo sababaha ka dambeeya ka bixitaanka xerooyinkii ay deganaayeen ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: