Mujaahidiin cusub oo lamagac baxday Al-Islaam ayaa Maamulka Degmada Buur-hakaba iyo kooxaha ka ganacsada Mukhadaraadka uga digay ka ganacsiga Daroogada.

buurhakaba.jpg

Buur Hakaba

Halkaan ka akhri

Sida aannu ka helnay ilo-wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in Saakay waraaqo Digniin ah oo ku socoto Saraakiisha Dowalada iyo Kooxaha ka ganacsada Daroogada lagu daadiyay Magaalada Buur-Habakaba ee Gobolka Baay. 

Lama oga cidda ku daadisay waraaaqahan magaalada Buur-Hakaba, ayaa haddana waxaa sheegtay koox cusub oo lamagac bacday Mujaahidiin Al Islaam, waxaana  ku qornaa digniino loogu jeedinayo maamulka ka howlaga Degmada Buur-Hakaba saraakiisha Ciidamad iyo cid kasta oo xiriir la leh Dowalad Soomaaliya in ay ka haraan xiriirka ay la leyihiin haddii ayan u hogaansamina in loo u gaarsan doono qof qof. 

Waxaa kaloo waraaqahani lagu xusay digniino loo jeedinayo kooxaha ka ganacsada waxyaabaha Maanka Dooriya oo uu ka mid yahay Xashiishka waxaan dadka ka ganacsada la faray in ay joojiyaan ka ganacsiga waxyaabaha aan diinta Islaamka ogoleyn, haddi ay u hogaansami waayaana laga qaadi doono talaabo lagu Ciqaabi doono sida sharciga Islaamka uu qabo. 

Maamulka iyo saraakiisha Booliiska Degmada Buur-Hakaba oo wax laga weeydiiyay waraaqaha lagu daadiyay magaalada, ayaa waxay sheegeen in wax saameeyn ah ku yeelan doonin howshooda oo ay sii wadanayaan wax u qabashada Shacabka sida ay hadlka u dhigeen. 

Balse qaar ka mid ah dadka deegaanka deggan  ayaa waxay sheegaeen in saameyn weyn ay ku yeelatay waraaqahan isla markaana lagu soo  dhajiyay Darbiyada magaladaasi.

Waxayna sheegeen in todobaadkii hore waraaqo  kuwan la mid ah lagu soo daadiyay magaalada Buur-Hakaba, balse ay ahaayeen kuwo ku qornaayeen  Qalin oo aan wax saameyn ah yeelan. 

Si kasta ha ahaatee arrintan ka billaabantay magaalada Buur Hakaba Ayaa ku soo beegmeeysa Xili dhawaanahan la hadal hayay in magaalada Buur-Habakab iyo hareeraheeda ay ku sugan yihiin Xoogaga Al-Shabaab oo ka soo horjeeda Siyaasadda dowladda KMG ah iyo joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan dalka Soomaaliya. 

SomaliSwiss Buur Hakaba 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: