gumeysiga Ethiopia
Halkaan ka akhri
Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaarayaa 13ban ayaa Maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho ka dib markii ay xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed Qarax Miino ay la beegsadeen, iyagoo damacsanaa inay howl-gallo ka fuliyaan deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
dadka deegaankaasi ayaa xaqiijiyay in miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo lala beegsaday ciidamo ka soo kicitimay labada fariisin ee kala ah Warshadii hore ee Baastada iyo waliba Xerada Maslax isla markaana ku soo wajahnaa in ay baaritaano ka sameeyaan Suuqa Ganacsiga ee deegaanka Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in 4 ka mid ah Ciidankaa ayaa laga soo shiishay, laguna dilay xili ay si teel teel ah u taagnaayeen waddo Degmada heliwaa dhex-marta dhinaceeda .
Qaraxan miino iyo waliba toogashada lagu dilay askartaasi ayaa dhacday subaxnimadii Saakay sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed.
Sidoo kale barqanimadii maanta ayaa 4 kale oo ka mid ah ciidamada gumeysiga itoobiya waxa iyaguna qarax miino lagula beegsaday deegaanka “Esh campany” ee magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen dad ka ag-dhadhawaa meesha qaraxa ka dhacay.
Balse sida la wada ogsoon yahay Khasaaraha maanta soo gaaray ciidamada gumeysiga itoobiya ayaa noqonaya kii ugu badnaa oo soo gaara in mudo ah, taas oo maanta ka hor istaagtay in ay joojiyaan baaritaanadii ay ka damac sanaayeen in ay ka sameeyaan deegaanka Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.