Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo ka guuray Tuulada la yiraahdo Buurta Janta kundishe (115Km) ee duleedka magaalada Beledweyne.

Fuck Ethiopian troops

Gobolka Hiiraan

Halkaan ka akhri

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa Tuulada la yiraahdo Buurta Janta kundishe (115Km) oo duleedka magaalada Beledweyne ah oo ay ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa saaka lagu waabariistay iyagoo halkaasi isaga guuray, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay u talaabeen dhinaca xuduuda waddanka Ethiopia.

Saldhiggaasi ayey ciidamada gumeysiga Ethiopia kala socon jireen dhaqdhaqaaqa gobollada dhexe ee dalka, waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay soo kordhayey weerarro ay Xoogagga ka soo horjeeda ciidamada gumeysiga Ethiopia ku qaadayeen goobaha ay deggan yihiin ciidamdaasi oo uu ugu dambeeyey kii ay ku qaadeen halka la yiraahdo Kala Bayrka.

Goobtaasi 115Km ee ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ka guureen saaka waxaa isla markiiba dhoobtay dadweyne aad u fara badan, oo sheegay in dadka deegaankaasi ku nool ay ku farxeen ciidamada gumeysiga Ethiopia ee halkaasi ka guuray.

Iyagoo intaasi ku daray in ay wax walba ee halkaasi kudhisnaa burburiyeen ayna dib u dhisan doonaan, hadiiba mar illaah ka dulqaaday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: