Axmed Diiriye “Runtii Ma Hilmaami doono hadalkii ay i yiraahdeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia intii aan xabsiga ku jiray.

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye uu Hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad oo shalay dib loo sii dayay ayaa shaaca ka qaaday in sii deyntiisa gacan weyn ka geysteen xubno sar sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’isul wasaare Nuur Cadde.

Axmed diiriye ayaa sheegay in isagu uu ku xirnaa Magaalada Baydhabo isla markaana markii la qabtay mudo 2-cisho ah Muqdisho joogay kadibna Baydhabo loo gudbiyay isaga oo intaasi ku daray in shalay uu ka soo dagay garoonka Muqdisho isaga oo ay la socsaan Ra’isul wasaare Nuur Cadde iyo xubno golihiisa wasiirada ka tirsan.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu ka soo dagay Garoonka kulan saacado qaatay halkaasi kula yeeshay Ra’isul wasaare Nuur Cadde isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan gaar ahaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa kooxaha sida weyn uga soo horjeeda Dowlada federaalka soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay mudadii uu ku sugnaa xabsiga waxyaabihii uu kala kulmay ayaa sheegay in uusan wax dhib ah la kulmin isla markaana si weyn loogu daryeelay laakiin waxaa uu tilmaamay in uusan hilmaami karin hadal ay ku yiraahdeen Ciidamadii gumeysiga Ethiopianka ahaa ee isaga ilaalada ka hayay.

“Runtii waxaan hilmaami karin hadaladii ay i yiraahdeen Ciidamadii gumeysiga Ethiopia ee ilaalada iga haysay kaasi oo ahaa in Ethiopia ay ka kooban tahay 75-qowmiyadooda aanay isku diin aheyn,isku dhaqan aheyn waxa kaliya oo ay ka midaysan yihiina ay tahay nidaam sidaa daraadeed Soomaaliya oo hal qowmiyad ah hal diina wada wadata maxay la heshiin la’dahay”ayuu si qushuuc leh ku yiri Axmed Diiriye .

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in markii ay arintaasi u sheegeen uu garan waayay sida uu jawaab uga bixiyo isaga oo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay dagaalka joojitaan wax walbana wada hadalka ka hor mariyaan.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Golaha dhaqanka Axmed Diiriye ayaa balan qaaday in haatan wixii ka dambeeya ka shaqeyn doono sidii Soomaaliya nabad u noqon laheyn isla markaana wada hadal u yeelan lahaayeen Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: