Afar qof oo laba kamid ah ay ahaayeen dhaqaatir Ajnabi ah ayaa ku dhintay qarax xoog leh oo lala eegtay gaarigooda magaalada Kismaayo.

Kismaayo

Qarax Kismaayo

Halkaan ka akhri

Afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib ayaa ku geeeriyooday tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in labo kamid ah ay ahaayeen Ajnabi, mid waa Kenyna halka midka kale uu ahaa dhaqatar u dhashay Dalka Faransiisika oo ka tirsanaa Hay’adaha aan xuduuda laheyn ee MSF Holland ee gobolkaasi ka howlgasha gaar ahaan isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Qaraxaan ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay isla markaana gacanta laga hagay, waxaana uu ka dhacay deegaanka Vi’ad .

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa sida la sheegay wariye lagu magacaabo xasan Kaafi Xareed iyo darawalkii gaariga u waday dhaqaatiirta hay’adda MSF Holland.

Macada kooxaha ka dambeeya dilkaan gaadmada ah ee dadka Ajaanibta ah iyo wariyaha Soomaaliga lagu dilay Maanta.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa argagax xoogan ka muujiyay weerarkaan lagu xasuuqay Takhaatiirta aan xuduuda laheyn ee Ajaanibta ahaa.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gacanta ku haya magaalada Mismaayo, iyadoo xaalada Magaaladaasi ay iminka kacsan tahay oo maleeshiyo hubyesani ay rasaas iska ridayaan.

Kismaayo waxa kajiray muddooyinkan dambe dhibaato xoogan oo ay wadeen kooxo maleeshiyooyin ah oo jidgooyooyin dhiganayay wadooyinka dekada Magaalada kismaayo, mar marna xiranayay dekadda magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: