Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo xubna kale oo kamid ah Golaha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo Maanta lagu siidaayay Magaalada Baydhabo.

Hawiye

Nabadoonada Hawiye

Halkaan ka akhri

Afhayeenkii Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diirye Cali iyo Sh. Axmed Cali Gees oo xabsiga ku jiray muddo bilooyin ah ayaa maanta lasii daayay.

Axmed Diiriye Cali iyo Nabadoon Sh. Axmed Cali Gees ayaa waxaa la sheegay in lagu sii dayay Magaalada Baydhabo ayada oo aan lagaranayn meesha laga keenay, waxayna warar hoose oo xoog ogaal ah sheegayaan in laga keenay dalka Ethiopia oo loo gudbiyay ka dib qabashadoodii.

Ilaa iyo hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan qaabka loo sii daayay nabadoonadan, waxaana la ogsoon yahay in isla maanta xabsiga laga siidaayay 3 xubnood oo kale oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kuwaas oo uu kamid ahaa Afhayeenkoodii dhinaca Siyaasadda C/llaahi Dheere iyo wiil u dhalay Nabadoon Axmed Diiriye.

Nuur Cadde oo la sheegay in uu bixiyay amarka siidaynta 3 da xubnood oo maanta lagu sii daayay Magaalada Baydhabo, kuwaas oo uu ka mid ahaa C/llaahi Dheere ayaa la sheegay in uu sidoo kale ka danbeeyay siidaynta Axmedd Diiriye iyo Sh. Axmed Cali Gees waxuuna C/llaahi dheere warbaahinta u sheegay in la soo mariyay guriga Nuur Cadde ka dib markii laga soo saaray xabsiga markaana uu u sheegay in la soo dayn doono inta hartay Odayaasha.

Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye M. Axmed Xassan Xaad ayaa horay uga dalbaday Nuur Cade in uu ka shaqeeyo sidii loo siidayn laha Nabadoonada iyo dadka beriga ah oo sida sharcidarrada ah ugu xir xiran Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia, waxna ka qabto dhibaatooyinka ay sida joogtada ah ugu gaysanayan dadka Soomaaliyeed.

Nuur cadde ayaa sheegay in uu wada hadal la furi doono dhamaan qaybaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee la shaqayso gumaysiga Ethiopia, asaga oo aan ku xirayn wax shuruud ah islamarkana badali doono waxyaabo badan oo ay ku dhaqmi jirtay xukumadii ka horaysay ee Cali Geedi.

Sidoo kale Sheikh Shariif Sh. Axmed oo ah Gudoomiyaha Dib-U-Xoraynta Soomaliya ayaa sheegay in aysan wax wada hadal ah la galayn cid kasta oo matalaysa Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia, inta ay ciida Soomaaliya ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia taas oo shardi u ah furitaanka wada hadal u dhaxeeya labada dhinac, ayuu yiri Sheikh Shariif.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: