Aadan-Cade Airport
Halkaan ka akhri
Madaafiic Hoobiye yaal ah ayaa waxaa lagu weeraray Garooka Diyaradaha ee Aadan-Cade Airport ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu maanta ka duulayay Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) oo muddo ku sugnaa magalada Muqdisho isla markaana ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Madaafiicdan hoobiyayaal ayaa waxay dhaceen duhurnimadii maanta wax yar ka hor ka dib markii uu ka duulay Nuur Cadde, Madaafiicdan waxay gaarayeen illaa iyo afar Hoobiye oo lala bartilmaameed sanayay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cade, waxayna sadax kamid ah ku dhaceen Xaafada Afasiyooni oo daris la’ah Garoonka.
Madaafiicdan mid kamid ah wuxuu ku habsaday guri ay deganaayeen dad rayid ah waxaana ku geeriyooday 2 qof halka 5 kale oo isku qoys ahna ay ku dhaawacmeen.
Nuur Cadde ayaa maanta lala beegsaday Hoobiyeyaashan xilligii uu garoonka ka duulayay ayada oo sidoo kale maalintii uu soodegay Hoobiye yaal lagu garaacay garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |