Sheikh Shariif Sh. Axmed:- Soomaaliya waxaa ka taliya Gumeysi iyo Gumeysi kalkaal, dambina ka galay Shacabka Soomaaliyeed.

shariif 

Sheikh Shariif

Halkaan ka akhri

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SHEIKH SHARIIF EE BBC-SOMALI 

Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in Caalamku indhaha ka qabsaday gumeysiga iyo xasuuqa ay ku hayaan ciidamada Ethiopia Shacaka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Sheikh Shariif ayaa Sheegay in ay lakulmeen Diblomaasiyiin Shisheeye dadaala nabad lagu gaarayana ay wadaan.

Waxaa muuqata in ay socdaan dadaallo la doonayo in qaab uun wada hadal ah laga dhex furo dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya, iyadoo ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya ugu qaabilsan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu socdaallo ku kala bixinayey gobolka.

Dadaalkan ayaa u muuqda in la soo cusboonaysiiyey ilaa intii la magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen, hase yeeshee weli ma muuqdaan wax dabacsanaan ah xagga Siyaasadda inkastoo uu Nuur Cadde had iyo jeer sheego in albaabbadiisu furan yihiin.

Sheekh Sharif Sheekh Axmed, guddoomiyaha midowga maxkamadaha isla markaana ah guddoomiyaha ururka Dib-U-Xoreynta Soomaaliya, ayaa BBC-da uga warramay dadaalkan cusub iyo wixii ay ku wada hadleen kooxdooda iyo diblomaasiyiinta.

Sheekh Sharif waxa uu sheegay in wax kasta ay tahay in laga hormariyo in ciidamada gumeysiga Ethiopia ay dalka ka baxaan, kuwaasoo uu sheegay in ay dhibaato weyn ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed, oo illaa inta ay joogaan Soomaaliyana aanu wada hadal suurtogal ahayn.

Sidoo kale Sheikh Shariif ayaa Sheegay RW Nuur Cade iyo C/llaahi Yusuf-ba ay laba hadal ku kala hadleen kaasoo is khilaafsan marka wax laga mideysan yahay waa agu heshiin karaan, balse ayuu yiri mamuuqdaan wax wada hadal ah.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: